Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Cali Warancadde Ku Tilmaamay Ninkii Somaliland Ugu Kursi Iyo Xil Jeclaa, M/ku Xigeenkana Ugu Baaqay In Uu Kursiga Banneeyo

Date:

Faysal Cali Waraabe Oo Ku Baaqay In La Gaadhay Wakhtigii Beelaha Isaaq Iyo Samaroon Kuraasta U Bannayn Lahaayeen Dhulbahante

Laascaanood (Wargane)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa beelaha Somaliland ugu baaqay in ay isu hanneeyaan kuraasta iyo xil qaybsiga dawladnimo iyo wax wada yeelashada isaga oo beelaha Isaaq iyo Samaroon ugu baaqay in la gaadhay wakhtigii ay kluraasta dalka ugu sarreea bannayn lahaayeen oo ay u bannayn lahaayeen walaalahooda Dhulbahante si loo helo Somaliland oo la wada leeyahay oo aan cidina caban.
Sidoo kale waxa uu sheegay o uu gaar u xusay in Cali Maxamed Waranacadde oo ka mid ah masuuliyiinta dawladda ee ugu wakhtiga dheer dhinaca haynta xilalka dawladnimo uu wakhtigan fagaaraha banneeyey kadib markii dhawaan xilka wasaaradda Daakhiliga laga wareejiyay isaga oo Faysal Cali Waraabe wasiirkii hore ee Daakhiliga Mudane Cali Maxamed Warancadde ku tilmaamay mid ka mid ah dadka ugu xilka jeclaa taariikhda Somaliland, dhinaca kalena Madaxweynaha ku xigeenka Somaliland ugu baaqay in uu xilka banneeyo.
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidan ka sheegay xafladdii furitaanka diiwaan galinta doorashooyinka Somaliland oo shalay si rasmi ah looga furay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool isaga oo xusay in 25-ka Bisha Octoobar la dhigi doono gogoshii ugu waynayd ee ay ku gar naqsadaan beeshe Dhulbahante iyo guud ahaan beelaha Somaliland sidoo kalena ay hadhi doonto su’aashii inta badan la iska waydiin jiray gogoshii KULMIYE sheegi jiray ee uu odhan jiray beelaha bariga ayaannu u dhignay.
Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Gogoshii KULMIYE dhigay ee annu garan wayday meel ay jaan iyo cidhib dhigtay aakhirkii waxa ay fadhiisatay Adhi Cadeeye way fiican tahay Ilaahay baa mahad leh. Halkaa waxa ku hadhi doonta su’aashii la iska waydiinayay waar Siilaanyo gogosha xagguu dhigay dii baa ku hadhaysa. Siilaanyo gogoshaasi waxa uu dhigay Adhi Caddeeye tii lagu dhammays tirayayna Insha Allaahi waxa la dhigayaa Burco 25-ka Octoobar halkaasi ayaynu dib isugu heshiinaynaa 1991-kii ayaynu ka soo bilaabaynaa. Iidoorkii waxaanu leenahay haddii Alle yidhaa talada dhulka dhiga, reer Booramow dhulka dhiga way dhigayaan, labadaa reer ee hore u haystay bahasha waxaannu leenahay waar dhulka dhigay xilalka. Eber baynu ka soo bilaabaynaa dawlad wadaagga iyo wax wada yeelashada. Taasi ayaynu wax ku noqonaynaa oo aynu meel ku gaadhaynaa marka aynu meel u wada jeedsano ee wax isu hannayno. In badan ayaan ku dhawaaqay oo aan idhi waar waa in kuraasta laga kacaa waxaanad ogtihiin in ninkii noogu kursiga jeclaa ee Cali Maxamed Warancadde in uu ka kacay kursigii ugu waynaa. Taasi waxa ay ku tusaysaa in Saylicina ka kici doono haddii Alle Yidhaa” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...