Isa Seeggii Cali Xoorxoor Iyo Madaxtooyada, Saluugga Beelaha Koonfurta Hargeysa iyo Gabooye + La Taliye Wasiir Oo Digreeto Madaxweyne Ku Soo Baxay Iyo Afhayeenkii Ku Saxeexnaa Xil-ka Qaadistiisa
Isku shaan-dhayntii uu Madaxweynaha Somaliland wax ka badalka ku sameeyey qaar ka mid ah laamaha dawladda Somaliland ee uu maamulo toddobaadkan ayaa waxa ay bulshada ka dhex dhalisay doodo badan iyo dareeno hoose oo shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba waxa isaga waydiiyeen marka la eego mahadhooyinka ay reebtay oo wali hadal haynteedu si weyn u dhex jibaaxayso goobaha lagu faalleeyo siyaasadda iyo waliba baraha xidhiidhada Bulshada ee Internetka.
Waxa aan isku dayi doonaa in aaynu fallo kooban ka bixino wajiga qarsoon ee ay lahayd isku shaan-dhayntaasi iyo goobaha doodaha dhaliyey ee laga dheegan karo qaabka liiskaasi u soo baxay iyada oo marka laga yimaad qaybo bulshada ka mid ah oo taageeray isku shaan-dhayntaas ay dhinaca kale jiraan beelo iyo dad siyaasiyiin ah oo saluug weyn ka muujiyey.
-Xil-ka qaadistii Afhayeenka Iyo Saxeexiisii Ka Dambeeyey!!
Qoraalkii Isku-shaan-dhaynta Madaxweynuhu qasriga Madaxtooyada ka soo saaray ee warbaahinta lala wadaagay waxa ku saxeexnaa Afhayeenkii Madaxtooyada Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) oo warqadda uu ku saxeexnaa nuxurkeeda hore xilka lagaga qaaday taasi oo khubarada sharcigu faallooyin ka bixiyeen kuna tilmaameen mid ka baxsanaa nidaam qoraaleedka sharci (Legal Drafting) ee caalamiga ah taasi oo ay ku sheegeen in aanay waafaqsanayn oo ay ahayd ugu yaraan in uu war-saxaafadeedka ku saxeexnaado Xoghayaha Warbaahinta Madaxtooyadu oo aanay habboonayn Afhayeenku in uu saxeexo warqad xilka lagaga qaaday. Sida saxda ahi waxa ay ahayd isku shaan-dhayntii hore ee Afhayeen Dayr Xilka lagaga wareejiyey oo uu habeenkaa ku saxeexnaa Xoghayaha Warbaahinta ee Madaxtooyadu. Saxeexa Shamax eek u qornaa Afhayeenka waxa ka horreeyey nuxurka xagga hore ee warqadda oo xil-ka qaadista madaxweynuhu ku sheegay.
-La Taliye Wasiir Oo Digreeto Madaxweyne Kusoo Baxay
Meelaha nidaamkeeda dawliga ahi wali qabyada ka yahay waxa ay ka mid ah awoodaha kala sarrayneed ee Masuuliyiinta qaranka, cidda awoodda u leh magacaabidda Masuuliyiinta oo isku dhex yaacsan iyo cidda uu masuulkaasi u igman yahay (Accountable) oo keenta mararka qaar is qabqabsi badan, marar hore waxa dhacday in Madaxweyne Siilaanyo digreeto ku magacaabo masuuliyiin illaa heer maamul iyo xisaabaad ah oo hay’adeed sida Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka Hay’adda Komishanka la dagaalanka Aids-ka, halka agaasimayaal isaga la darajo ahi ay ku magacaaban yihiin heer Guddoomiye Hay’adeed. Sidan si la mid ahi waxa ay dhacday toddobaadkan markii Madaxweyne Siilaanyo Digreeto ku magacaabay La Taliye Wasiir oo ah Md. Maxamed Maxamuud X. Jeeniyare, oo loo magacaabay La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Bariga ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Gudoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex). Wasaaradaha kale waxa shaqaale ka ah la taliyayaal Wasiirro oo ay wasiiradu magacaabaan. Maxay ku kala duwanaanayaan, awood intee le’eg ayay is dheer yihiin mase isku xuquuq noqon doonaan?, waa su’aalo taagan.
-Masuul Xil Hayay Oo Mar Labaad Digreeto Madaxweyne Loogu Cusboonaysiiyey:
Sida hore u dhici jirtay Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland waxa hore u magacaabi jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha sidaa darteed Taliyaha wakhtigan ee Laanta Socdaalka waxa magacaabay Wasiir Cali Maxamed Warancadde oo wakhtigaa ahaa Wasiirka Daakhiliga, iyada oo aanu Madaxweynuhu wali qoraal rasmi ah ka soo saarin nidaamkaasina aan la badalin waxa liiskii habeenkii dhawayd ku soo baxay Maxamed Cisamaan Caalin (Dayib) oo loo magacaabay Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo uu hadda xilkaa horeba u hayay. Waxa magacaabistiisa lagu ladhay sidan (Hore waxa u magacaabi jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, hadda wixii ka dambeeya waxa soo magacaabaya Madaxweynaha), ogowna waxa go’aankan Madaxweynuhu qaatay isaga oo aan hore u badalin nidaamkaasi jiray.
Masuul Hore Xukuumadda Isaga Casilay Oo Mar Kale Madaxweynuhu Soo Xushay?
Waa dhacdo xiiso leh, kani waa Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, waxa uu ka mid ahaa kutlad Masuuliyiin qaran ahaa oo xukuumadda iska casilay wakhtigii xisbiga KULMIYE doorashadiisu dhacaysay oo siyaasadda Madaxweynaha ee ku aaddanayd xisbiga KULMIYE ku dhaliilay sida darteed isaga tagay xukuumaddiisa. Mar kale Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Mudanahan wiiggan u soo xushay in uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana magacaabista la raaciyey (Mudane Cusub). Su’aalaha bulsho badani iska waydiinayso arrinkan xiisaha lihi waxa uu yahay, ma masuulkan la magacaabay ayaa madaxweynaha ka raalli geliyey go’aankii uu hore isku casilay?, mise madaxweynahu waxaabu Cabdiwaaxid u haystaa shakhsi cusub sida uu magacaabistiisa ku sheegay oo umaba haysto in uu masuulkani ka mid ahaa kooxdii xukuumaddiisa hadhka cad ka dareertay?. Mudanahani waxa uu wakhtigaasi iska casilay Xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
-Saluuggii Beeshii Koonfurta Hargeysa Iyo Waliba Beelaha Gabooye
Markii isku shaan-dhayntan ugu dambaysay soo baxday toddobaadkan waxa si weyn uga biyo diiday qaar ka mid ah beelaha Somaliland, tusaale ahaan Beelaha Gaboobe oo aan xal xubin iska dhex arag liiska isku-shaandhayntan kuwaasi oo cabasho weyn ka muujiyey. Waxa dareenkooda ka dhiibtay Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano beeshan ka soo jeeda oo si weyn uga gilgishay saluugga saami ee beeshoodu ku leedahay xukuumadda iyaga oo sheegay in Madaxweynuhu ku guul darraystay in uu is badal kasta oo uu xukuumaddiisa ku sameeyo aanu waxba ugu magacaabin beelahaasi oo sheegay in ay dulmi badan tirsanayaan oo dhinaca saamiga xukuumadda ah. Dhinaca kale waxa si weyn looga dareemay guux hoose iyo mid muuqdaba beesha Kuunfur Bari ee Hargeysa (Ciidagale) oo ka biyo diidsan saamiga beeshooda ee xukuumadda gaar ahaan is-baddalkan ugu dambeeyey oo aanay waxba ugu kordhin madaxweynuhuna kaga soo jawaabin codsiyo hore ay ugu gudbiyeen. “Madaxweynuhu isku shaandhaynta uu sameeyey wax alla beeshayada ugu soo kordhay ma jirto oo maanu helin xilalkii uu hore nooga qaaday, kaliya agaasime dhallinyaro ah ayuu ku baddalay agaasime kale” sidan waxa FOORE u sheegay oday Axmed Cali oo beesha ka soo jeeda.
-Beesha Gobolka Sool Iyo 8 Xubnood Oo Isku-Shaandhayntan Ugu Soo Baxay
Beesha Degta Gobolka Sool, Buuhoodle iyo Koonfur Bari Sanaag waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen isku-shaan-dhayntii Madaxweynuhu soo saaray oo ay ka heleen saami dhan 8 xubnood oo uu ugu miisaan culus yahay Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo loo magacaabay Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon).
– Cali Xoor-xoor Iyo Isa Seeggii Madaxtooyada
Waxa ay ahayd mid ka mid ah dhacdooyinka ugu hadal haynta badan ee isku-shaandhayntaasi shacabku ka bixinayay. Injineer Cali Cumar (Maxamed Xoorxoor) oo shacbiyad ballaadhan ku leh guud ahaan Gobolka Saaxil ayuu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday isaga oo xilkaasi dib ugu celiyey masuulkii uu hore isla Cali Xoorxoor ugu badalay markii KULMIYE talada dalka qabsaday. Isa seegga Cali Xoorxoor iyo Madaxtooyada ayaa loo sibir saarayaa heshiiska wareejinta Dekedda Berbera waxaase is waydiin leh, sababta Madaxweyne Siilaanyo mar kale ugu xushay Xilka Maareeye ee Dekedda Berbera Mudane Axmed Yuusuf Dirir oo wakhtigii KULMIYE dalka qabsaday loo magacaabay isal xilkan balse muddo kadib laga qaaday oo lagu celiyey Injineer Cali Xoorxoor oo dawladdii UDUB ka tirsanaa.