Saami Laba Safiir Iyo Wasiirka Duulista Oo Madaxtooyadu Ugu Sariftay Kursigii Daakhiliga Oo Aan U Qudh Qudhsamin Jamaahiirta Wasiirkii Libaaxyada.
Tageerayal ay isku jifo hoose yihiin Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa mudaharaad ay kaga cadhaysan yihiin xil ka qaadistii Jagada Daakhiliga waxay ka dhigeen bariga magaalada Hargaysa .
In kasta oo Madaxtooyadu kursigaas oo kamid ah Wasiirada ugu baaxadda weyn golaha Wasiirada ugu sariftay saddex xil oo kala ah, Wasiirka Duulista , Safiirka Somaliland u fadhiyi doona dalka Itoobiya iyo Safiirka dalka Australia, may noqonin qaar ay ku qancaan Jamahiirta Wasiirkii Libaaxyada haystay.
In kasta oo saddexda xil qaar miisaan culus hadana waxaan la ogayn inuu Cali Warancadde laftiisu saluuga la qabo ardaagiisa.
Wasaarada arrimaha gudaha ayuu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Yaasiin Faratoon oo ka soo jeeda Gobolka SOOL. Taas oo siweyn ay u soo dhaweeyen rayulcaamka bulshadu.
Geesta kale Isku shaadhantii ballaadhnayd ee Madaxweynahu sameeyay, waxaa bulshada uga cuntamay oo kaliya magacaabista Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka . Labadaas shakhsi marka laga reebo qaybaha kale oo tiro badnaa ayaa doodo kala duwan ka dhex dhaliyay dadka Siyaasadda la socda iyo shacbiga Somaliland-ba .