Somaliland: Cali Khaliif Oo Heshiis Dhexmara Somaliland Ku Xidhay Ka Noqoshada Gooni Isu Taaga Iyo Garaadada Dhulbahante Oo Sheegay In Aanu Matalin.

Date:

“Arrintani Waa Masiiri Haddii Aanu Nahay Odayaashii Beeshana Waxaanu Dadka U Cadaynaynaa In Aanan Arrinkaas Waxba Ka Ogayn” Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamuud

“Hargeysa Sida Ay Tahay Iyo Kala Goynta Somalia Ku Raaci Mayno, Waar Waxaanan Odhan Yaan La Iga Samaynin” Cali Khaliif

Isimada, madax-dhaqameedka iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Sool ayaa ka hadlay wadahadalka u furmay kooxda Cali Khaliif iyo dawladda Somaliland, waxaana ay isimadani sheegeen inaanay Hogaamiye Cali Khalif kula socon wada-xaajoodka uu Somaliland la furay.

Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamud oo ka mid ah garaadada beesha Dhulbahante oo ku sugan deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa sheegay inaanay badi madaxdhaqameedka beeshiidu wax war ah ka hayn talaabada uu Cali Khaliif u qaaday xagga Somaliland, waxaana uu garaadku sheegay inaananu Cali arrinkaasi ku metelin Dhulbahane, gaaradka oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Shan Isim ayaanu deegaanka Dhumay ku joognaa laakiin isimada deegaanka intooda badan waanu u dhamayn oo telefoonbanu kuwa gudaha jooga iyo kuwa dibadda jiraba ku wada xidhiidhnay, afar naga maqan iyo shantayada halkan joogna ayaanu ku soo saarnay bayaanka, ujeedada bayaankuna waxa ahayd inaanu maqalnay in qolo tagtay Caynabo iyagoo yidhi heshiisbaanu la galaynaa Somaliland anagoo metelayna Khaatumo arrintaas oo aanan waxba ka ogayn dadkuna wax naga soo wadyiiyey anagoo ah odayaashii dhaqanka ee beesha dadka waxaanu u cadaynay inaana waxba ka ogayn arrintaasina ay tahay arrin aan loo dhamayn”

Suldaan Cabdisalaam oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay arrintani tahay mid masiiri ah isla markaana aanay koox yari ka go’aan qaadan karin masiirka umadda, waxaana uu yidhi “dadku siyaasiyiin iyo isimo ayay leeyihiin, arrintani waa mid masiiri ah, markaa haddii la raacayo Somaliland waa in loo dhamaada haddii kalena waa in loo dhamaada, talada waa in la badsadaa anagu ma lihin ilawba ilaw yaan la Raacin iyo waa la raacayaa laakiin in sahal cid yari ku tagto ayuunbaanu diidanahay”

Geesta kale Cali Khaliif ayaa iska difaacay eedaha loo jeediyey ee ku saabsan inuu wadahadal salfudayd ka muuqdo la furay Somaliland, waxaana uu sheegay inay ujeedada uu wadahadalka Somaliland la bilaabay tahay inay Somaliland iyo kooxdiisa Khaatumo iska kaashaadan sidii ay midnimadii soomaaliya u soo noqon lahayd waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“dadkaas (SNM) dhulka waanu wada degnaa waxaanu isku raaci karnaana laba hal midna ma noqon karto, anagoo sidaanu nahay ah na soo raaca kuma raaci karno, mida kale waxa aanan gorgortan ka gelayn waxa weeyaan waddanka (Somalia) la kala goynayo labadaas arrimood haddii ay ka gudbayaan oo miyir la helo waanu is garab sanaynaa oo qarankeenii soo ceshan karnaa, hadhawbaa wax la sheeg-sheegi ee warkayga haddii aan cadaysto, Hargeysa raaci mayno, siday hadda tahay ee Somaliland kuma raacayno dawladdii soomaaliyeed ayaanu kala goynaynaa kuma raacayno”.

Xukuumadda Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyey afka ku badisay wadahadalka Cali Khaliif iyagoo xubno wasiiro ahi uga hadleen hab ka baxsan dawladnimada maadaama ay Khaatumo la meeqaam dhigeen Somaliland, haddiiba aanay qaarkood wadahadalka u dhigin mid u dhexeeya Cali Khaliif oo kaliya iyo Somaliland oo dhan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...