Gudaha Ka akhri Jewigii Uu Shalay Ku furmay Shirka Beellaha Garxajis Iyo Khudbadihii laga Jeediyey Madashu
Shirweynaha Beellaha Garxajis, ayaa Sabtidii shalay si rasmi ah uga furmay Hoolka Shirarka Huteelka Maroodi-jeex ee Bariga gudaha magaalada Hargeysa, kaasoo ay ka qaybgaleen in ka badan laba Boqoliyo Konton Ergay, Madax-dhaqameed isugu jira Cuqaal, Salaaddiin iyo Boqorrada Beeshaas, waxaana Beelaha Garxajis isku saamaxeen Madasha Shirkaas. Shirkan oo la sheegay in ujeedadiisa tahay turxaan-bixin iyo islaab-xaadhasho Beesha dhexdeeda ah iyo weliba Beelaha kale ee Somaliland dega oo ay maanta ku marti-qaadi doonaan Shirkooda sida ay Sheegeen Hoggaanka iyo Madaxda Dhaqanka ee Shirka ka hadlay shalay. Waxay Sidoo kale sheegeen in Shirkaas ay Axadda maanta ku marti-qaadi doonaan Masuuliyiin dowladda ka tirsan, waxaana Furitaankii Shirkaas ka hadlay Duco ka dib Madax-dhaqameed kala duwan oo Chief Caaqillo, Salaaddiin iyo Boqorro isugu jira iyo weliba Xubno Qurbo-joog iyo Siyaasiyiinta Beesha ka tirsan ee Shirka lagu casuumay. Shirkan oo shalay ka si rasmi ah uga furmay Hotel-ka Maroodi-jeex ee magaallada Hargeysa waxaa furitaankiisii ka hadlay suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, waxaanu yidhi “Aadbaan U Salaamayaa Dhamaan Odayaasha Cuqaasha Salaadiinta Iyo Dhalinyarada Beelaha Gar Xajis Shirkuna Wuu Inoo Furan Yahay Wixii Danbena Gadaal Ayaan Ka Odhan Doonaa”. Jiif Caaqil rashiid Maxamed Jaambiir oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Shirkan beellaha garxajis muddo haatan laga joogo sanad iyo lix bilood ayuu nagu dhashay bacdina maalin walba mar xalad ayuu soo maraayay maalin kowbuu ahaa maalin labuu ahaa maalinna boqolaal ayuu noqdayoo fikirku wuu iska soodabo dhacaayay oo dad kuna waxa ay aqbalayeen in ay munaasib tahay in ay beeshu isku timaaddooo ay shir iskugu timaado si ay aayeheeda iyo danaheedaba uga tashato . shirkii kowaad waxa uu dhacay dabayaaqadii sanadkii aan soo dhafnay ka bacdi qaban qaabadisi iyo barnaamuj kiisi ayaa lasii hir galiyay ka bacdi waxa uu shirkii labaad oo ahaa shir shiirkii hore ka mudo korsan waxa uu dhacay sideedi bishii aaan soo dhafnay ee july magaaladda hargaysa ayuu ka dhacay waxaana shirkaasi waxa iskugu yimid culimo ay diin aqoonyahan oo ay hogaan dhaqanku ay hogaaminayaan iyo mujdamaca kalo gadisan. shirkaasi wada hadal iyo dood dheer waxa lago.aamiyay in la magacaabo toban xubnood oo kasoo jeeda dhaqanka oo shirka guud ee belaha garxajis qaban qaabiya malintaa ka bacdi waxaka soo wareegtay muddo bil iyo loow iyo toban maal mood ah gudigaa qaban qaabadu maraaxin kalo duwayn ayay soo mareen qaban qaabada waxa u dheraa caqabado badan oo ay kalo kauleen iyo jaran jarooin badan oo ay lakulmeen iyo hor istaan lagu sameeyay qab soomida shir kaasi” ayuu yidhi Jiif Caaqil Jaabiir. Sheekh Maxamed Cali Geedi oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Marka Ugu Horaysa Dhamman Tiin Waxaan Idinkula Dardaarmayaa Alle Ka Cabsi waxaana farxad wayn Ii ah Inaan maanta dad badan Oo ay halkan iskugu yimaadeen oo uu shaydaanku kalo kaxeeyay Oo Uu Ku Kala Dhex Jiray,Ilaahaybaa Subxaanahuu Watacaalaa Yidhi Shaydaanku Waxa Uu Faraa Dadka Xumaan,Ilaahaybaa Quraankiisa Inoogu Sheegay Inuu Yahay Cadow,Maantana Waxa Halkan Iskugu Imid Dad Diin Ku Walaalo Ah Dhiigna Ku Walaalo Ah Oo Shaydaan Kala Kexeeyey Oo Taariikhdana Aan La Garanayn Wakhti Ay Isku Yimaadeen Oo Maanta Isku Yimid Markaa Waa Farxad Aad Iyo Aad U Weyn,Ilaahay Ayaa Waxa Uu Yidhi Haddii Dad Walaalo Ahi Islaayaan Heshiisiiya Heshiiska Waxa Ku Jira Khayr”. Ayuu yidhi sheekh maxamed cali geedi. Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi ayaa isna hadalka lagusoo wareejiyay waxaannu xusay sida uu ugu faraxsanayahay shirka iyo imaatinka ergada “Aad Iyo Aad Ayaan Maanta U Farax Sanahay Waxaan Ku Farax Sanahay Ergadan Faraha Badan Ee Kasoo Qayb Gashay Shirweynihii Guud Ee Garxajis Ee Markii Ugu Horaysay Ah Shirku Wuu Inoo Furan Yahay Sidaas Uu Inoogu Furmayna Waan Ku Farax Sanahay Waxa Igu Jabsan Jidhidhico Aada Waxayna Iigu Jabsan Tahay Hadalo Hawadu Inagu Soo Duul Duulinaysay Oo Ahaa Garxajis Ma Shiri Karo Oo Uu Shirayna Garxajis Ayaan Ku Farax Sanahay” boqor raabi yusuf cabdilaahi. Boqor Faysal ayaa isna halkaasi ka jeediyay hadal dheer waxaana kamid ahaa “Farxad Ayay Ii Tahay In Labeentii Garxajis Oo U Ban Baxday Inay Waayaheeda Mustaqbal Keeda Danaheeda Ka Tashato,Shir Kani Waa Shir Dhaqan Waa Shir Beelweynta Qarxajis Oo Aan Anigu Amin Sanahay Inay Qaran Yihiin Aan Filayo ay Ayahooda Kaga Tashanayaan,Garxajis Abtirsigiisu Wuu Jiri Doonaa”. Suldaan maxamed cabdilaahi xaaji aadan Qabiile oo halkaa ka hadlay isna ayaa Ku Dheeraaday Muhiimada Ay Leedahay Iskaashiga Iyo In La Wax Lawada Qabsado Ugu Danbayntiina Waxa Uu Ku Soo Gunaaday”Dadka Wixii Wax Garanaya Ayuun Baad Wax Isku Tihiin Ianguna Wixii Wax Garanaya Ayuun Baynu Wax Isku Nahay”. Shirkan ayaa soo gebogeboobi doona maanta