Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa lacag tiro badan u qaybiyay badi Wargays yada ka soo baxa Magaalada Hargaysa.
Wasiirka Ayaa Lacgata Waxa Uu Qaybiyay Si Aya Xukuumada Uga Aamosaan Wargaysayada Ugu Afka Dheedheri Ee Ka Soo Baxa Caasimada Hargeysa Xlaka Ay ka Xayiran yihiin wargayO Kala oo Badani ayuu maxamuud xaashi lacag dhan oo dalka lagu dhisi leha o qabiyay wargaysyada
Maxamuud Xaashi Cabdi, oo tan intii uu noqday Wasiirka Madaxtooyada qawad xoogan kala kulmay Saxaafadda, ayaa dhinaca dhaqaalaha uga wareegay si hawl maal meedkiisa shaqo uu bulshada ugu gudbiyo, wuxuu hore ugu caan baxay inay kooxo gacan yarayaal u ah oo u shaqeeya habeenka uu hadlo u yimadaan Wargaysyada, iyagoo ka codsanaaya inay boga hore ku soo qoraan Wararka Maxamuud Xaashi, taas badalkeedana la siin doono lacag, arrintaas oo u hirgashay bulshaduna ku war heshay subaxyo badan Wargaysyadii dalka oo war isku nooc ah oo Wasiirka Madaxtooyada uun ku kooban oo ku taxan bogagii hore ee Wargaysyada, marka laga reebo dhawr Wargays oo iyagu ganafka ku dhuftay qorshaha Wasiir Maxmauud Xaashi.
Arrimaha ugu caansan ee uu falsafadaas u adeegsaday waxa kamid ahaa Shirkii degaanka Awr Bogays, oo ahaa Sawir aan habayaratee xaqiiq hoose ku fadhiyin, kaas oo lagu sheegay inuu aha gogol nabadeed, waxaana la iibsaday Wargays yadao oo wararka shirkaas si buun buunin ah loogu daabacay bogaga hore, badalkeedana lacag badan lagu kharash gareeyay.
Sidoo kale dhawaan markii heshiiskii Sherkada DP World hor yaalay Golaha Wakiilada, wuxuu Wasiirka Madaxtooyadu Maxamuud Xaashi isugu yeedhay dhammaan Wargays yada ka soo baxa Caasimadda Hargaysa, marka laga reebo labada Wargays ee Geeska Afrika iyo Somalilandtoday, waxaana loo qaybiyay lacag xadigeedu gaadhaayo 30,000$. (Sodon Kun oo Doolar).
In kasta oo talabadaasi is maan ka dhex dhalisay Wasiirka Warfaafinta Cadaani iyo Maxamuud Xaashi hadana waxay noqotay talaabo si laaluush ah uu Wasiirku markale ugu hamooday inuu wararkiisa ku baahiyo Wargaysyada dalka, taas badalkeedana uu lacag dhaafsiisto. Balse waxaan la garan karin intay war lacag la siistay sii socon karo.