Somaliland: Su’aalo Shacabku Iska Waydiinayo Sababtii Xildhibaanada Xag-jirka Ahi Codkooda Ku Siiyeen Heshiiskii Dp-World, Waxa Ay Is-dhaafsadeen Xukuumadda, Mase Jirtaa Mudo Kordhin Golaha Miiska U Saarani?

Date:

Ma Dhabbaa In Xukuumaddu Kala Shaqaynayso Golaha Wakiilada Somaliland Muddo Kordhin Ay Is Dhaafsadaan Oo Ay Xukunka Ku Sii Joogaan Sannado Dheeraad Ah?

Kadib markii 9-kii Bishan August 2016 oo ku beegnayd Salaasaddii toddobaadkii Hore ay qalinka ku duugeen Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo ay ansixiyeen Mooshinkii Heshiiska Dekedda Berbera ee xukuumaddu hor keentay waxa ay shacabku il gaar ah ku hayeen walina ka faalloonayaan qaabkii lama filaanka ahaa ee ay inta Xildhibaanada Ku abtirsada Mucaaridka Somaliland, gaar ahaan Xildhibaannada reer WADDANI gacanta ugu taageen ee u ansixiyeen heshiiska Dekedda Berbera ku saabsanaa iyada oo si weyn loo xasuusto in badan oo xildhibaanadaasi ka mid ahaa oo maalintaasi codaynta ka hor si weyn u diidanaa arrinkan balse maalintaasi codkooda ku dhiibtay ogolaansho.
Shacabka iyo siyaasiyiinta aragtida diidmada ah ka qabay arrinka heshiiska xukuumadda iyo Shirkadda DP-World, gaar ahaan shacabka reer Berbera iyo guud ahaan Muruqmaalka shaqaalaha Dekedda Berbara waxa ay codaynta kadib si weyn isu waydiinayeen sababta keentay in Afar Xildhibaan oo kali ahi ku keliyeysteen diidmada Heshiiska xukuumaddu Golaha Wakiilada hor keentay ee ay codka gacan taagga ah ku ansiixyeen aqlabiyad layaab leh, gaar ahaan xildhibaanada Mucaaridka ah ee sida weyn uga soo hor jeeday markii hore heshiiska xukuumaddu golaha keentay. Dadka siyaasadda faalleeyaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyey si weyn u hadal hayaan sababta keentay in badiba aqlabiyadda xildhibaanada WADDANI codkooda u hibeeyaan ansixinta heshiiska xukuumaddu keentay iyada oo la og yahay sida ay mar walba hore isu hor taagi jireen mooshin kasta oo xukuumaddu dabada ka riixayso balse ogolaanshahan loo qaatay mid ku yimid laba aragtiyood oo dadku inta badan arrinkan u sibir saarayeen kuwaasi oo kala ah dano dhaqaale oo ay gacanta ugu taageen faro dufan leh iyo in ay codkooda ku badasheen qorshe ay xukuumadda in uun wax isaga og yihiin oo ah in Golaha loo sameeyo Muddo kordhin ugu yaraan laba sanadood ah.
Inkasta oo aanu codkiisa dhiiban Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, haddana xogaha hoose ee aanu helaynaa waxa ay tibaaxayaan in Guddoomiyuhu la dhacsanaa waxna ka ogolaa in xildhibaanadiisu codkooda ogolaansho ku bixiyaan inkasta oo laba xildhibaan oo caan ahi xisbigiisana ka tirsani wakhtigii la codaynayay dibadda ka joogeen kuwaasi oo kala ahaa Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog.
Dhinaca kale Xildhibaanada sida weyn mucaaridka ugu ahaa xukuumadda ee codkooda dhiibtay kuna codeeyey ogolaanshaha ee xisbiga WADDANI Waxa si weyn loo hadal hayaa Xildhibaanada kala ah Rayte iyo Ibraahim Mahdi Buubaa inkasta oo ay jiraan xildhibaano kale oo reer WADDAN ah oo heshiiska u codeeyey.
Aragtiyaha dadku qabo ee isa soo taraya waxa ay tibaaxayaan in Golaha wakiilada Somaliland isu diyaarinayo muddo kordhin kale oo dheeraad ah oo loo sameeyo isaga oo golahaasi kuraasta fadhiya tan iyo 2005 walina aan la ogayn wakhtiga uu qabyo tiri doono xeerkii lagu soo dooran lahaa oo khilaaf weyni ka taagan yahay walina aanay xukuumadda iyo goluhu toona waxba ka qaban. Sidoo kale waxa isa soo taraya xogaha tibaaxaya in xukuumaddu doonayso in ay Golaha Wakiilada kala shaqayso muddo kordhin ay labadooda dhinac isu fududeeyaan oo ay xukunka ku sii joogaan muddo kale oo dheeraad ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...