Meherkii Ugu Martida Badnaa Oo Lagu Qabtay Masjidka Cali Mataan Iyo Farriintii Bulshadda Looga Diray

Date:

Meherkii ugu martida badnaa, ayaa shalay lagu qabtay  masjidka Cali Mataan ee magaaladda Hargeysa,  kadib markii la tukuday salaadii Jimcaha, waxaana gabogabadii bulshadda looga diray farriin culus oo la xidhiidha sidii loo fududeyn lahaa guurka.

 

Sheekh Maxamed Aadan ayaa markii uu soo dhammeeyay  khudbaddii  salaada Jimcaha, waxaa uu   sheegay in marka la tukudo isla goobta lagu qabanayo meher tusaale u noqda guurka oo aanay ku baxeyn wax kharash ah iyada oo jamacii tukanayay noqonayaan ka soo qeybgaleyaasha.

Sheekha ayaa kaga dhawaaqay  masjidka magacyada lammaanaha la isku nikaaxayo iyada oo uu goob-joog ahaa inanta aabaheed oo u wakiiishay sheekh Maxamed Aadan iyo ninka loo meherinayo oo ahaa Maxamed Caddaani Yuusuf.

Sheekha Maxamed oo oggolaanshaha labada dhinac heysta ayaa halkaasi isugu meheriyay lammaanahan  oo kala ahaa Maxamed Caddaani Yuusuf iyo Ikraan Axmed Cabdi.

Waxa kale oo uu sheekhu  ka sheegay halkaasi qaddarka meherka oo ahaa konton garaam oo ah dahabka nooca 21.

Sheekh Maxamed Aadan ayaa ku tilmaamay inuu yahay kulankii ugu kheyrka badnaa ee lammaane la iskugu meheriyo, waxaana halkaasi ka dhacay sacab xoog leh oo muujinayay sida ay dadku u taageersan yihiin meherkaasi.

Bulshada ayaa si xoog leh uga cabata guurka qaaliyoobay oo loo tiriyo lacagta badan ee lagu bixiyo  xafladaha lagu qabto huteellada ee lagu magacaabo gabaatiga iyo yaradka, taas oo lagu tilmaamo in ay qeyb weyn ka tahay waxyaabaha yareeyay guurka.Kharashka ku baxa xafladaha meherka ayaa mararka qaarkood ka badan ta dambe guri dhiska.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...