SOmaliland: Oo Qarameysay Ciidankii Ugu Badnaa Oo Beesha Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ah Iyo Saraakiil Sirdoon Ah Oo Ku Jira

Date:

“Idiinkaa la orday ee Gobanimadii Lixdankii Cali Gari baa dhaliyey, Reerku Burji buu leeyahay ee waxaanu rajeynaynaa Maantana in Gooni isku taagga Somaliland dhalato..” Madax-dhaqameedka Beesha Cali Gari (Dhulbahante)

Dawladda Somaliland, ayaa Qarameysay Ciidan ka badan 260 Askari, kuwaasi oo ah Ciidamadii Beesha Cali Gari Axmed kaga jiray Maamul-Gobolleedka Puntland iyo Kooxda Khaatumo.

Ciidammadan oo uu Qarameyntooda Muddo ka shaqeynayey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ka Wakiil ah Dawladda Somaliland, ayaa Shalay waxa Deegaanka Carro-weyn ee Gobolka Buuhoodle kula Wareegay Taliyaha Ciidammada Qaranka ee Aagga Bari Sareeye Guuto Cali Barre.

Munaasibadda lagula Wareegay Ciidankan oo wata Gaadiid Ciidan iyo Hub faro badan, ayaa waxa hadallo ka soo jeediyay saraakiisha Hoggaaminayey, waxayna sheegeen in Beesha Cali Gari isku raaceen inay Shacab iyo Ciidanba isku raaceen inay wax la qabsadaan Dadkooda Somaliland.

“Ciidankani waa Ciidanka Beesha Cali Gari Axmed (Dhulbahante) ee ku jiray Khaarumo iyo Puntland. Waxaanu isku raacnay inaanu ka baxno Mucaaradnimada oo aanu Somaliland ku biirno oo aanu wax la qabsano.” Ayuu yidhi, Askari ku hadlay Magaca Ciidanka la qarameeyay.

Chief Caaqil ku hadlay Magaca Madax-dhaqameedka Beesha Cali Gari (Dhulbahante), ayaa isaguna sheegay, “Somaliland waxay ka mid tahay Libaaxa Afrika. Beesha Cali Gari waa Qaran, Gobanimadii Lixdankii ee Somaliland idiinka la orday ee Cali Gari baa dhaliyey, waxaanu rajeynaynaa Maantana Reerku Burji buu leeyahay ee in Gooni isku taagga Somaliland dhalato, Waayo? Annagu ma naqaanno Bililiqada iyo Caaqleysiga, Xaaraantana ma cunno, Raggani (Ciidanka) sidii asxaabtu ugu dhimatay Diinta ayay Gobollada Somaliland ugu dhimanayaan.”

Chief Caaqilka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Beeshan Ciidankoodu ku biiray Ciidammada Qaranka Somaliland waxay degaan 11 Magaalo oo xuduudka Somaliland ah iyo Buuhoodle.”

Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cali Barre oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Ciidanka Beesha Cali Gari kuma cusba Ciidanka, wax kastaba ha sababaane wuu ka baxay (Hore ayuu uga baxay), laakiin haddaad Maanta tidhaahdeen Somaliland waynu wada leenahay waxaanu idinku soo dhaweynaynaa Maamuus, Rabitaan iyo Jacayl, waxaanu idin leenahay ku soo dhawaada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cismaan Garaad Soofe oo isaguna Gabogabadii halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Cid kasta oo Gacan ka geysatay Qarameynta Ciidanka Beesha Cali Gari way Mahadsan yihiin. Ciidammada la qarameeyay waxaan leeyahay Maanta laga bilaabo (Shalay) waxa idin saaran Waajibaadka saaran Ciidammada Qaranka, waxaanad leedihiin xuquuqda Ciidanka Qaranku leeyahay mid la mid ah. Ciidankani maaha Ciidan Cid gaar ah loo samaystay, waxay la mid yihiin Ciidanka Qaranka ee ilaaliya xuduudka Somaliland, Cidna dhib kuma hayaan

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...