Xubno isugu jiray salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka iyo odayaasha beesha gobolka Saaxil ayaa si cad u qaadacay isla markaana iftiimiyay sida ay uga soo hor jeestay shirka beryahanba aadka loo hadal hayay ee la sheegay in beeshaasi ay ku qabsanayso degaanka Baxarasaafka oo ka tirsan degmadda Laalays.
Waxaanay sheegeen cuqaasha iyo salaadiinta beesha Saaxil, in shirkaasi ay dabadda ka riixayaan xubno siyaasiyiin mucaarid ah oo ay ku tilmaameen oo kasban kari waayeen bulshadda gobolka Saaxil.
Madax-dhaqameedkan ka soo jeedda gobolka Saaxil, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay hudheelka Gollis ee magaaladda Hargaysa waxay sheegeen in shirka Baxarasaafka lagu qabanayo ee la is-la dhex-marayay uu yahay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay beeshu isku raacsanayn in la qabto.
Suldaanka Cismaan Sheekh Ibraahim Aw Maxamed, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanu jirin shir ay beesha Ciise Muuse isku raac santahay ama ay u balantay oo la is-la og yahay in la qabto wakhtigan.
Waxaanu yidhi “Waxaan iftiiminayaa, oo aan ummadda Somaliland iyo beesha Ciise Muuse u sheegayaa in aanu jirin shir la isku raacsan yahay oo beeshu u balantay. Shirkaasina waa mid aanay wax ba ka jirin, waxaana wata koox dan siyaasadeed leh, oo dadka kicinaya, oo waayay dariiq ay siyaasadooda u maraan, ayaa dadka beer la-xawsi ku wada.
Waxaan leeyahay cuqaashii beesha metelayay ee shirka beeshu ka go’ayay halkan ayay fadhiyaan, oo gudigii DAN iyo DUCO ka mid tahay. Cida waxan wadaana waxa weeyi siyaasiyiin tirro yar, oo mucaarid ah, oo reerka kas-ban kari waayay, oo doonaya in ay dadka ku kiciyaan shirkii beesha ayaa la diiday, .shir naloo diidan yahay”.
Wuxuu sheegay suldaan Cismaan, in aanu jirin shir loo diiday in ay qabsato beesha Saaxil, sidoo kale-na aanu jirin shir ay beesha Ciise Muuse iclaamisay. “Ma jiro, mid la iclaamiyayna ma jiro, oo loo balamay. Haddii aanu u aragno in aanu shir qabsanona, anaga ayaa iclaaminayna xiliga la shirayo, waxaana u igmanay oo nooga wakil ah oo ku dhawaaqi kara gudiga DAN iyo DUCO oo lagu soo doortay shirkii Dubur, oo xilkii haysa”ayuu yidhi suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim.
Suldaan Xasan Maxamed Axmed, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu sheegay in ka salaadiin ahaan aanay isku raacsanayn shirka la sheegay in lagu qabanayo degaanka Baxarasaafka.
Waxaanu yidhi “Anagoo ah salaadiintii beesha, waxaanu isku raac sanahay in aanu shirka Baxarasaafku maanta haboonayn, cida shirkaa qabataana waa cid danbiile ah. Waxaan la isku ogaynina waa khalad, ninka gudiga DAN iyo DUCO kii diidanoow la kaalay shir caafimaad qaba oo lagaga hadlo waxaa laga cabanayo”.
Sidoo kale suldaan Aadan Cawil Cilmi, oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu tilmaamay in aanay haboonayn in wakhti xaadir kan la qabto shir ay yeeshaan beesha Ciise Muuse. Waxaana uu yidhi “Waxaan Ayidayaa, oo aan taageer sanahay cuqaasha dhaqanka beesha ee ku dhawaaqday in wakhtigan aanay haboonayn in shir beesha ah la qabto. Marka reerku u baahdana waa laga tashan doonaa, oo waa la iska arki xiligeeda hala gaadho, shir dhaqan uma baahnin ayay yidhaah deen cuqaasha beeshu”.
Waxa kale oo Chief caaqil Axmed Caaqil Yare, oo ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in qabashada shirka beesha Saaxil ay mudayn karaan oo keliya cuqaasha beesha Ciise Muuse, balse aanay jirin cid kale oo awood u leh iclaamintiisa.
Axmed caaqil Yare, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ka hadlaynaa shirka beesha Saaxil, ee la sheegayo in lagu qabanayo degaanka Baxarasaafka, ee wax ba ka socon waayeen, ee dadka lagu walaaqayo. Waxaana qabashada shirka beesha xaq u leh madax dhaxaqameedka beeesha, oo leh ajandaha shirka beesha.
Reer-na marka uu shir qabsanayo waa la isugu yeedhaa, oo marka la isku yimaado ayaa la yidhaahdaa shir ma u baahanahay? haa marka ay noqoto, halkee ayaynu ka dhignaa ayaa la yidhaahdaa, meel heblaayo ayaana la yidhaahdaa.
Horta shirkan, dhalinyaradan huteelada kaga dhawaaqayaan xaq ma u leeyihiin suuldaankuna waxa uu xaq u leeyahay waxa beeshu ka shirto, ee isku raacdo in uu goddoomiyo. Salaadiintu-na gudoonka ayay leeyihiin. Laakiin qabaa’ilka shirarkooda ma laha iyo in ay iskaga dhawaaqaan shir aan la isku af-garan.
Waxa kale oo aan xaq u lahayn in xildhibaanada siyaasada loo doortay ku dhawaaqaan shirka reerka. Goorma ayaa loo doortay shirka reerka. Waxaanu leenahay Ciise Muuse shirkaa uma baahna, marka uu u baahdo wuu ka tashan doonaa, waanu qabsan doonaa”.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ak jeediyy caaqil Xasan Shaqale Maxamuud, waxaanu tilmaamay in cuqaasha beesha Saaxil aanay waxba kala socon shirka la is-la dhex-marayay ee la sheegay in lagu qabanayo degaanka Baxarasaafka.
“Haddii aanu nahay waxgaradkii iyo salaadiintii beesha Ciise Muuse, waxa aanu isla garanay in aanaan shirkaa Baxarasaafka waxba kala socon. Arrinkiisana aanaan ogayn, haddii aanu nahay golihii dhaqanka ee beesha anagaa xaq u leh qabashada shirka beesha Ciise Muuse oo isku dhan.Reer-kuna guddi ayuu doortay oo cuqaasha beeshu Ayiday, oo la soo doortay ayaa jirta oo shir beeshu u dhan tahay lagu soo doortay. Nin aan loo dhiibin arrin reer oo aan war u hayn halka uu arrinka reerku marayo in uu yidhaahdo shir baan idiin qabanayaa, Ciise Muuse ma qabato.
Waxaanu si wada jir ah u qaadacaynaa haddii aanu nahay cuqaashii beesha Ciise Muuse in aanu shirkaasu ahayn shir ka yimid gudigii haysay talada beesha, DAN iyo DUCO iyo cuqaasha beesha” ayuu yidhi caaqil Xasan Shaqale.
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Caaqil Cumar Ibraahim Maxamuud, isagoo carabka ku adkeeyay in aanay waxba ka jirin shirka la sheegay in beeshu ku ay ku qabsanayso degaanka Baxarasaafka.
Waxaanu yidhi “Shirka Baxarasaafka, waa mid aanay waxba ka jirin. Cidii shir cuqaashu aanay ogayn ku dhawaaqda-na xukuumadda waxaan ka cod sanaynaa in ay u aqoonsato cid rebshad wadda”.
Si kastaba ha ahaatee, dhawaaqan ka soo yeedhay madaxyo-waaweynta dhaqanka ee beesha Saaxil, ayaa soo af-jaraya hadal haynta shir mudooyinkan-ba la is-la dhex marayay, isla markaana buuq iyo mudaharaadyo ka dhex abuuray siyaasiyiinta iyo bulshadda gobolkaasi.
Shirkaasi oo la sheegay in beeshaasi ay ku qabsanayso degaanka Baxarasaafka oo ka tirsan gobolka Saaxil, hase yeeshee go’aanka ay sida isku midka ah salaadiintani u bayaamiyeen ayaa meesha ka saaraya dhamaanba arrimahaasi.