Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa warqad Codsi  ah u diray mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland.

Warqadan uu madaxwayne Siilaanyo u diray Mudaneyaasha wakiilada ayaa la xidhiidhey sidii ay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland u ansixin lahaayeen heshiiska Xukuummada Somaliland la gashey shirkada Dp World ee wareejinta dekada Berbera.

Guddoomiyaha  golaha wakiilada ayaa maanta warqada madaxwayne Siilaanyo u diray xildhaanada ka Akhriyey fadhigii maanta ee golaha wakiilada waxayna u dhignayd sidan:-

 

“ Sida aynu ka warqabno maalgashiga caalamiga ahi waxaa uu kaalin muhiima ka qaataa kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo guud ahaan horumarka dalka.Sidaas darteed,  waxaan halkan kusoo gudbinayaa in heshiiska maalgashiga dekada Berbera ee xukuummada Somaliland ay la gashey shirkada caalamiga ah ee Dp World, taas oo ay golaha wasiiradu ku ansixiyeen fadhi lambar 200,  28 bishii July ee sanadkan.Mudenayaal, heshiiska maalgashiga oo muhiim u ah qarankan Somaliland gaar ahaan marsada caalamiga ah ee Berbera kaasi oo meeqaamkeena ganacsi kor usoo qaadaya,  waxaan idin ka rajeynayaa inaad ka gudan doontaa waajibaadkiina shaqo”

Aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka waxaa loosoo gudbiyey heshiiskii xukuummadu ay la gashey Shirkada Dp World.