“Heshiiska Dekedda Berbera Waa Xaaraan Maqdac Ah, Waana Dabin Loo Dhigayo Dawladda Ka Danbaysa Tan KULMIYE”Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu si adag uga hadley heshiiska Wareejinta dekada Berbera
Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in heshiiska ay xukuumada Somaliland la soo gashey shirkada DP World uu yahay mid xaaran ah isla markaana loogu talo galay in uu carqalad ku noqdo xukuumada ka danbeysa tan kulmiye ee hada talada Haysa
“Wax qarsoodi ah oo lala gudaayo oo kilin kilada lagu heysto , oo aan xildhibaanadii loo sheegayn oo wasiiradii gacanta iska taagay nin heshiiska akhriyey aanu ku jirin , maxaa lala yaacayaa 6 bilood baa hadhey , waana dawlada dabo yaaqo ah oo sii socota in ay cid heshiis 30 sanadood ah la gasho xaq ma aha waana xaaran “
Heshiiska wareejinta dekada Berbera waa dabin loo dhigaayo xukuumada soo socota ee Kulmiye ka danbeysa oo ah heshiis 30 sanadood oo aan laga bixi karin ” ayuu yidhi xldhibaan Cabdiqaadir Jirde