Kulan Qado Ah Oo Kulmiyey Mucaarid Iyo Muxaafidba Beelaha Habar Yoonis Oo Wasiirku Ku Fidiyey Huteel Ambassador
Wasiirka Wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde ayaa shalay kulan qado ah oo aan ujeedadiisa la shaacin Huteel Ambsaddor isugu keenay xubno badan oo beeshiisa ka soo jeeda oo Muxaafid iy Mucaaridba leh, kulankaasoo saxaafaddu aan loo ogolayn.
Ilo-wareedyo u dhuun-daloola Kulankaasi qarsoodiga ahaa ee shalay ku qabsoomay Huteel Ambsaddor ee Caasimadda Hargeysa ayaan la ogayn ujeedada uu daarnaa iyo halka uu salka ku hayay toona iyada oo wararka Wargeyska FOORE shirkaasi ka soo gaadhayaa sheegayo in uu ahaa kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen siyaasiyiin iyo odayaal dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Wasiirku kuwaasi oo la sheegay in aanay dhinac kali ah ku koobnayn ee ay ahaayeen xubno isugu jira Mucaarid iyo Muxaafidba balse warkaasi aanu faahfaahin naga siin ujeedada rasmiga ah ee kulankaasi daarnaa.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya wakhti xaaladaha siyaasadeed ee dalku kacsan yihiin beelaha qaarkoodna ku mashquulsan yihiin shirar doceedyo kala duwan oo qaarka qabsoomeen qaar kalena jidka ku soo jiraan iyo waliba isaga oo kulankani si gaar ah ugu soo beegmaay wakhti maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayay shir ballaadhan oo beelaha Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa isugu diyaarinayaan in ay ku qabsadaan kulan ballaadhan oo la sheegay in ay xagga dambe ka taageerayaan xubno waaweyn oo beelahaasi u dhashay oo Mucaarid ahi.
Kulankii shalay ayaa la sheegay in uu ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo qado ah oo aan la ogayn waxa uu ku saabsanaa iyada oo naloo xaqiijiyey in uu martiqaadka kulankaasi lahaa Wasiirka wasaaradda Daakhiliga Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde.
Wasiir Warancadde ayaa marka laga tago xilka uu xukuumadda ka hayo lahayn wax itijaah siyaasadeed ah oo cad isaga oo hore uga tirsanaan jiray xukuumaddii iyo xisbigii UDUB, markii ay xukuumaddiisii UDUB daaqadda ka baxdayna inkasta oo uu ka dhex muuqday ururadii siyaasadde ee Mucaaridka ahaa haddana xil wasiirnimo ka qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu wakhtiyada qaar xisbigeeda KULMIYE dagaal aad u adag la soo galay.