Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa nasiib daro ku tilmaamay in hogaamiyayaasha sadexda xisbi ee uu ka midka yahay ay xal ka gaadhi waayaan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay ka hadlay kulan ay la qaateen madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu sheegay in hogaamiyayaasha xisbiyada looga baahan yahay inay qaataan go,aano qadhaadh marka ay danta dalku jirto waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Arinta saami qaybsiga xal looma waayine xiniinyo ayaa loo waayey, Anaga oo doonayna inaanu wadanka Xukuno waa nagu ceeb inaanu nidhaahno 82 kursi ayaanu qaybin kari waynay waana wax laga xishoodo, ninka madaxnimada doonaya waa inuu lahaadaa karti iyo xiniinyo uu ku qaato qaraaro adag waayo qaraaro kuwan ka adag ayaa iman doona marka uu madax noqdo, kuwaas oo u baahan in geesinimo lala yimaado, waayo qofka haddii aanu geesinimo la imanayn oo aanu umada siinayn kiniin qadhaadh oo ay mustaqbalka u aayaan inuu kursiga soo doontaba maaha, waa inuu bakhaar furtaa.”
Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xalka ugu fiican ee lagu dhamayn karo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada waxaanu yidhi “Xalkii ugu fiicnaa ee saami qaybsigu waa kii la qaatay sanadkii 2005-tii waayo reer Somaliland waxa inoo xeer ah oo aynu kaga fiicanahay reer somaliya marka aynu dhibaato aragno ee aynu isku qabsano wixii Siyaad Bare qas qasay waxaynu ku noqonaa oo makhraj inoo ah 1960-kii kaas ayaana laga duulay, markii Boorama la fadhiyeyna waxa lagu heshiiyey in lagu noqdo kitaabkii 1960-kii ee inoo yaalay,waynu ku caana maalnay doorashadiina waynu ku galnay, waxay ahayd hadii aynu tobankaa sanadood wax cusub keeni kari waynay inaynu kii hore ku talaabsano laakiin lagama baqani xeelad ayaa ku jirta, markaa waxa la yidhi arinkeen ahow ama rayiga raac taas ayaanu markaa nidhi hadii aanu anagu noqonay hargahaas waa inaynu yeelnaa wixii la soo saaro, taasina waxbay yeelaysaa doorashadeena oo waxa la odhanayaa waa kuwii ka baqay inay qaybiyaan 82-ka kursi ee ma kuwaas ayaa odhanaya aynu iska celino Soomaaliya oo dagaal ku qaadno.”
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay aqbalayaan xal kasta oo madaxweynaha Somaliland ka saaro saami qaybsiga kuraasta Wakiilada waxaanu yidhi “Waxa noo shuruud ah in wixii madaxweynuhu soo saaro lays garab taago oo aan ciyaar siyaasadeed laga dayin oo danta qaranka la horaysiiyo , madaxweynaha haddii aanu ku nidhi tali madaxa meel la salaaxo oo ka saraysaa ma jirtee waa inaanu ogolaanaa taas ayaanan ku heshiinay waxaanad ogaataan inay arintaasi tahay mid aanu xal kale u waynay, madaxweynahana waxaanu ugu ducaynaynaa in ilaahay sida hagaagsan u tilmaamo inaguna aynu garab istaagno.” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal