Qaar ka tirsan Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Odayaasha reer Saaxil, ayaa sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xoog isku hor-taagtay Shir Beesha Ciise Muuse uga furmi lahaa deegaanka Baxara-saafka oo ka tirsan degmada Laas-geel ee gobolka Maroodi-jeex, isla markaana ay ka been-sheegtay ujeeddada Shirkaas oo ay ku tilmaantay mid dowladnimada lid ku ah.
Shir Jaraa’id oo ay Isniintii shalay Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha Ciise Muuse qaarkood ku qabteen magaalada Hargeysa, ayay sidaa ku sheegeen, waxaanay sheegeen inaanu baaqan doonin ee ay qabsanayaan Shirkaas oo ay doonayso inay Xukuumaddu weji kale u yeesho, balse wax uu kaga duwan yahay Shirarka Beelaha kale qabsanayaan ee ay Masuuliyiinteedu ka qaybgalayso, isla markaana aan cabbudhin iyo caga-juglayn wax lagaga qaadayo Beel ahaan aanay jirin, kuna casuumi doonaan Shirkooda Beelaha kale ee Somaliland iyo dowladda lafteeda.
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo ugu horreyn shirkaas Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inaanay garanayn waxa uu Shirka Ciise Muuse kaga duwan yahay Shirarka Beelaha kale ee Somaliland qabsadaan, isagoo tusaale u soo qaatay Shirar Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE kaga qaybgaleen deegaannada Qoryaale iyo Beer ee gobolka Togdheer.
Waxaanu Suldaan Maxamuud oo arrimahaas ka hadlayaa yidhi; “Haddii meesha wanaag laga rabo Xildhibaannadeedii, Aqoonyahankeedii, Madax-dhaqameedkeeda illaa Burco jooga ayaa loo yeedhi lahaa, si wanaagsan baa wax loo dhammayn lahaa, waxaannu sheegnay inaannu Shirka Ciise Muuse Beelaha Somaliland oo dhan baannu ku casuumaynaa, dowladdaannu ku casuumaynaa, xumaan ma wadno, ma garanayno waxa Shirka Ciise Muuse kaga duwan yahay Shirka Qoryaale iyo ka Beer ka socda.”
“Waxaannu leenahay Shirkayga waannu qabsanaynaa, xumaanina naguma jirto ee Cadaadiska, culayska iyo caga-juglaynta iyo dadkan la xidh-xidhayo hannalaga daayo iyo Suldaankan kiiska loo samaynayo ee la leeyahay Lacag baa dibedda looga soo dirayoo Tigniko ayuu Hub saarayey. Waxa la yidhi; ‘Gudinyahay imaad goyseene Badhkaybaa kugu jira, cidda nagaga jirta waannu garanaynaa, annagaana la xisaabtami doonna.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh.
Suldaan Maxamed Muuse Cuneo o isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Somaliland-neey Illaahay baan idinku dhaariyee, ma cadawnimo ayey idinka tahay marxaladdan ka aamuskeeda, ka hadlaana sida daciifka ah uga hadlayo? Anigu nin la adeegsanayo oo sida Moobbilka lagu shubanayo la hadli maayo. Laakiin, waxaan leeyahay Aqoonyahan, wax-garadka iyo Bulshada marxaladda taagan reer Somaliland-noow idinkama lihhin.”
Mid ka mid ah Madaxda Dhaqanka Saaxil oo isaguna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi; “Shirka Baxarasaafku waa lama taabtaan, waana lama huraan, waanannu tegaynaa oo waa la qabanayaa nin ka xumaada iyo nin ka dagaallama-ba, taasi waa go’aan cad, dadkaanannu kala mid nahay Bari iyo Galbeed Shirarka soconaya. Waxaannu leenahay Suldaanka xidhan iyo dadka maatida ah ee xidh-xidhan halla soo daayo, xadhig xal maaha ee Xukuumadda caqligu ha shaqeeyo.”
Sidoo kale, Salaaddiin, Cuqaal iyo Odayaal kale oo Shirkaas Jaraa’id ka hadlay, ayaa taageeray hadallada Salaaddiinta ee aynu kor ku soo qaadannay, waxaanay sheegeen in dad badan oo Burco, Berbera, Sheekh illaa Hargeysa laga xidh-xidhay intooda badan ay Xukuumaddu Saldhigyada Booliska ku hayso, kuwaasoo ay ugu baaqeen inay Xukuumaddu xorriyaddooda u soo celiso, isla markaana aanu ku wareerin Shirka Baxarasaafka ay ku qabsanayaan oo ay sheegeen wax kastaa hadday dhacaan inaanu baaqan doonin ee ay qabsan doonaan shirkaas.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xukuumadda kala hadlay arrinta is-hor-taagga Shirka Beesha Ciise Muuse, waxaanu yidhi; “Madaxweyne Siilaanyo han ku xasuusiyo khudbadii Daahir Rayaale kaaga tagay markuu xilka kugu wareejinayay.Waxaan kaaga tagay dal iyo dad midaysan, maanta dalkii midna mid ma haysto oo cadaawad ayaad umaddii dhex-dhigtay, waxaad samaysay dadkii oo saami qaybsi isku haysata ayaad maalin walba degmo cusub samaynaysa si madaxa la isku darro.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi; “Maxamuud Xaashiyoow warqadda aad qaado ee aad Madaxweynaha hoos dhigayso ee aad ka saxeexayso ee aad is leedahay beeluhu ha isku madho, beelo si dilayaa ma jiraan, dadku way dhaafeen xilligii la is dilayay. Marka saami qaybsigii oo la isku haysto oo loo maaro la’yahay haddii aad degmooyin cusub bixiso. Qabaailka qaar aad tidhaahdo way shiri karaan, shalay Abokor Axmed-baa shirayay, Ciise Muuse-na waxaad leedahay waa la xidhxidhayaa oo looma ogolanayo oo waa qaran dumis, kelmadda qaran dumis nin yar baad tahay ee waxa isticmaali jiray xukuumadihii Siyaad Barre, markuu Abokor Axmed qaran dumis noqon waayo, Ciise Muusenna qaran dumis noqday adaa sheegi doonna.”