Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Turkiga yahay mid qoto dheer, isla markaana Turkigu ka codsaday inay tixgaliyaan go’aanka ay ka qaateen Dugsiga Nile Academy oo ay baadhayaan inuu ku lug leeyahay inqilaabkaasi dhacay oo sharciga waxa uu ka dhigayo eegi doonaan. Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in Passaporka Somaliland dalal badan oo uu ku jiro Turkiguu u fiiseeyeen, isla markaana ay kala duwan yihiin Passporka iyo ID-Carydka, isagoo khalad ku tilmaamay in Passporka lagu tilmaamo waraaq aqoonsi. Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr:Sacad Cali Shire oo ka hadlaya xidhiidhka Turkiga iyo Somaliland u dhexeeya, waxa uu yidhi “Wadanka Turkiga waa wadan cilaaqaad dheer aynu leenahay, waxaanay halkan inala joogeen 1874- 1884 ayey wadankeena inala joogeen, waxyaalo badan ayey wakhtigaasi dhiseen, oo imika u baahan in la dayac tiro, oo ay balanqaadeen inay dib u dhisayaan, waa wadan tariikh dheer inaga dhexeyso, barigii inqilaabka lagu dayey waanu la xidhiidhnay waana u sheegnay in aanu ka xunahay mana ogolayn wadan dimuqraadi ah in la inqilaabo oo aanu ka soo horjeednaa”. Waxaanu intaas ku daray “Wadankeena waa wadan jira waxaynu ahayn wadan Ingiriiska maxkamiyad u ah oo mape ka aduunka ka jira, lixdankii waxaynu ahayn dawlad, inagoo dawladda waxaynu go;aan sanay inagoo la inala qasbayn in aynu Soomaaliya ku biirno, sodan sanno ayeynu soomaaliya isku ahayn dawlad qudha, dhibaato badana waynu kala kulanay, ka diban waxaynu go’aansanay in aynu gooni isku maamulno.Muddo 25 sanno waxaynu ahayn wadan gooni ah oo buuxiyey shuruudihii dawladnimo,inay wadan nahay waxa kuu cadaynaysaa heshiishyo badan ayeynu la galna dawladdaha iyo hay;adaha, marka madaxdeenu baxdana waxa loo tixgaliyaa sida dawladaha la ictiraafsan yahay madaxdoodda”. Mar laga wax laga waydiiyey Safiirka Turkiga ee Soomaaliya inuu sheegay in Passporka Somaliland u aqoonsan yihiin ID-card oo kale, waxaanu arrintaasi kaga jawaabay “Paasapporka waxa jira wadamo badan oo aynu ku tagno, taas oo tilmaamaysa in la inoo aqoonsn yahay in aynu wadan nahay oo aynaan qayb ka ahayn Soomaaliya, Turkiga marka aynu tagnana waxaynu ku tagnaa Pasapoorkeena, waxa jira Dugsiga Nile Acadamey oo lala xidhiidhiyey inuu gacan saar la leeyahay ninka loo aaneynayo inuu ka dambeeyo inqilaabka, Turkiga waxa uu naga codsaday in aynu xidhno dugsigaasi, inaguna waxaynu nahay wadan shuruuc leh oo kala dambayn ka jirto, dugsigaasi si sharciga waafaqsan ayuu ku jooga oo heshiish buu inala galay oo shahaado ayeynu siinnay oo muddo dheer ka shaqaysan karaan, arday badan ayaa dhigata, waxaanu nidhi baadhitaan baanu samaynayaa haddii ay soo baxdo inuu inqilaabkaasi lug ku leeyahay sharcigayaga wauxuu ka yidhaa ayaa laga yeelaya, haddii ay soo bixi waayana waxay noqonaya dad aan dambi lahayn, marka waxaan
Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay safiirka Turkiga Muqdisho Ee Ku Baaqay Inuu Ka Shaqaynayo Midnimada Soomaaliya
Date: