Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali MAxamed Warancade ayaa maanta isaga oo ay weheilyaan Gaadiidka uu gaarka u leeyahay kana muuqato wajigiisa dareen aan farxadi ku dheehnayn ku soo galay Xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Badda Somaliland Waxaanu amar ku bixiyeye Sida ay xogo hoose u xaqiijiyeen Shabakada Wararka Hangoolnews in la furo Qolka Kaydka Hubka,
Kadibna waxa uu halkaasi kala soo baxay shan Qori oo ah AK-47 ah oo cusub iyo Hal PKM ah,
Ka dibna waxa uu amray in la siiyo rasaas gaadhaysa ilaa 2000 oo xababadood iyada oo lagu qaaday gaadiidka uu gaarka u leeyahaya .
Xogaha ilaa hataan soo gaadhaya Shabakada Hanagoolnews ayaa sheegaya in aanay jirin wax dhibaato ama nabad galyo daro ah oo Ciidamadu ay og yihiin balse ay jiraan dareeno looga shaki qabo in ay wasiirka ku kaliftey in uu Hubkan Rasaastan Tirada Badan leh qaato.
Geesta kale Xogaha ayaa intaa ku daraya in Wasiir Warancade uu diiday in uu ka qayb galo Xafladii maanta loogu wan qalaayey Degmada Balli-Mataan oo dhawaan uu madaxwayne siilanyo u dalacsiyey Degmo ahaan maantana loo sameeyey Munaasibad Wan qan ah oo ay dadka Deegaanku ku so dhawaynayeen.
Dhinaca kale Wararka ay helayso Hangoolnews ayaa waxay sheegayaan in Qaar ka tirsan Jufada Wasiirka Arimaha Gudahu ay isku dayeen in ay jid gooyo u galaan dadkii ka qayb galaayey xafladii Wanqasha Degmada Balli-mataan oo maanta ka Dhacday isla Degmada Balli-Mataan