Waxay Isku Haystaan In Baasaaboorka Somaliland Dawladdooda Turkigu Aqoonsatay Iyo In Kale
Diblumaasiyiinta Dawladda Turkiga u jooga Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waxa ka dhex qarxay khilaaf ku saabsan Baasaaboorka Somaliland.
Qunsulka Turkiga u jooga Hargeysa, ayaa Toddobaadkii hore shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ku sheegay in Dawladdiisu aqoonsatay Baasaaboorka Somaliland isla-markaana Muddadaa wixii ka dambeeya si toos ah Dalka Turkiga loogu tagi karo Baasaaboorka Somaliland oo lagu fiiseyn doono Qunsuliyaddooda Hargeysa.
“Miyeydaan ogeyn in Qunsuliyaddayada (Hargeysa) bilowday inay aqbasho Baasaaboorka Somaliland in lagu Tago Turkiga ?.” ayuu yidhi Qunsulka Turkiga u jooga Hargeysa, Mr. Muzaffer Yuksel oo 23-kii bishan Saxaafadda kula hadlayey Hargeysa, waxaanu intaa ku daray inay Baasaaboorka Somaliland u fiiseeyeen Madaxda Dawladda Somaliland, kuwaasi oo uu ka xusay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Marwada Koowaad ee Qaranka Aamina-weris oo dhawaan Safar ku tagay Dalka Turkiga.
Hasa-yeeshee, Safiirka Turkiga u jooga Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya Olgan Bekar, ayaa Sabtdii Shalay sheegay inaanu waxba ka jirin in Dawladda Turkigu aqoonsatay Baasaaboorka Somaliland isla-markaana Qunsuliyaddooda Hargeysa bixiso Fiisayaasha Baasaaboorrada aanu ka Somaliland ku jirin.
“Maanu aqoonsan baasaboorka Somaliland. Sidaad la socotaan waxaan wadnaa heshiiskii Somalia iyo Somaliland ah, Annaga Somalia hal weji ayaanu ku eegnaa, waxaana ka shaqeyneynaa Soomaaliya inay hagaagto oo ay mid ahaato. Dadka ku nool Somaliland iyo Soomaaliya waxay noo yihiin hal shacab, waxaana rabnaa in Soomaaliya ay noqoto waddan qudha.”ayuu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay Safiirka Muqdisho u fadhiya Turkigu Shalay.
Xukuumadda Somaliland, ayaa weli wax war ah ka soo saarin hadalka Qunsulka Turkiga u fadhiya Hargeysa ku sheegay inay aqoonsadeen Baasaaboorka Somaliland iyo beeninta Warkaa ee Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya.
Laakiin, arrinkan ayaa u muuqda khilaaf diblumaasiyadeed oo ka dhex qarxay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Qunsulka Hargeysa fadhiya, oo Maamul ahaan hoos taga Safiirka Muqdisho, Wallow aanu jirin war ka soo baxay Qunsulka.