Waxaa Agaasinka Madashan Iska Kaashaday Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa Iyo Laanta Socdaalka Somaliland
Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Laanta Socdaalka Somaliland ayaa Habeenkii Arbacadii si wadajir ah xaflad casho sharaf ah u qabtay dublamaasiyiinta iyo wufuuda dalalka dibada ka socda ee dalka ku sugan oo badankoodu u joogaan ka qayb galka bandhiga caalamiga ah ee buugta Hargeysa. Xafladan oo lagu qabtay Xafiiska Xarunta Dhaqanku ku leedahay Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha golaha wakiilada, ahna hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), Dublamaasiyiin, xubno ka mid ah qurbojooga reer Somaliland iyo marti sharaf kale. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo khudbad kooban meesha ka jeediyey ayaa waxa uu wufuuda ku soo dhaweeyey dalka. Waxaanu yidhi wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Martida wadanka ku sugan ee dunida ka kala timid waxaan jecelahay inaan idinku soo dhaweeyo cashadan ay sameeyeen xarunta dhaqanka Hargeysa, sidoo kale waxaan soo dhawaynayaa qurbajooga reer Somaliland ee munaasibadan ka soo qayb galay.” Agaasimaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac oo khudbad ka jeediyey munaasibadan casho sharafta ah ayaa waxa uu sheegay inay sharaf u tahay in ay kala soo qayb galaan munaasibadan. Waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Sharaf ayey ii tahay inaan idinku soo dhaweeyo xarunta dhaqanka Hargeysa oo aan agaasime ka ahay, haddiii aad nala joogtaan ama mar kale na soo booqataan waxa agtiina ah oo aad xarunta ka helaysaan maktabada buugta oo ay yaalaan in ka badan kun buug, sidoo kale Tiyaatarkii ayaanu leenahay oo aad ka helaysaan xarunta.” Xuseen Cali oo ka tirsan laanta Socdaalka Somaliland, kuna hadlayey afka Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ayaa isaguna sheegay inuu u mahadnaqayo ka soo qayb galayaasha munaasibadan. Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in umad haddii uu dhaqankoodu lumo ay iyaguna baaba’aan, isla markaana loo baahan yahay in dhaqanka la ilaashado, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya; “Umadda dhaqankoodu haddii uu lumo way baaba’adaa, markaa xarunta dhaqanka Hargeysa waxa ay u taagan tahay soo noolaynta dhaqankeena, waanan u mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadata taageeradeeda.” Munaasibadan ayaa waxa sidoo kale xalay lagu soo bandhigay ciyaar dhaqameedyo iyo maansooyin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen maansooyin ay kala tiriyeen Abwaan Axmed Aw Geedi iyo Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame, isaga oo khabiirka afafka Martin Owen ka hor akhriyey bulshada maansooyinkan oo afka Ingiriisiga ku turjuman