Pierre-Emerick Aubameyang Oo Beeniyay Warkii Sheegayay In Real Madrid Oo Kaliya Uu Uga Bixi Karo Kooxdiisa Dortmund

Date:

Waxaanu July 25 idiin soo gudbinay in xidiga xulka qaranka Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang uu TV-ga Jarmalka laga leeyahay ee  ZDF uu u sheegay in kooxda kaliya ee uu Dortmund uga bixi karaa ay tahay Real Madrid, laakiin Aubameyang ayaa beeniyay warkan wuxuuna su’aal galiyay cida turjuntay hadalkiisa.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayay kooxaha waa wayn ee horyaalada Yurub  wuxuuna Aubameyang uu eedayn u soo jeediyay saxaafada dallka Jarmalka isaga oo warkan ku beeniyay bartiisa twitterka. Halkan ka akhriso warkii ZDF uu ku sheegay in Aubameyang uu Real Madrid oo kaliya uga bixi karo Dortmund.

Pierre-Emerick Aubameyang oo beeninaya warkii ahaa in Real Madrid oo kaliya uu uga bixi karo kooxdiisa Borussia Dortmund ayaa yidhi: “Waxaan meelkasta ka akhriyi karaa wax aanaan waligay sheegin oo ah in Real Madrid oo kaliya ay aniga iga kaxayn karto Dortmund” Sidan ayuu Aubameyang ku soo qoray bartiisa twitterka.

Pierre-Emerick Aubameyang oo eeayn u soo jeedinaya saxaafada Germany ee hadalkiisa sida qaldan u turjunta ayaa yidhi: “Anigu ma aqaano qofka erayadayda turjimay laakiin waxaan ka murugaysanahay in dadku ay sameeyeen waxa ay jecel yihiin.Anigu waxaan ahay ciyaartoy Borussia Dortmund, daacad ayaanan ka ahay waraysi kasta waxaanan sheegay in ay riyadayda ahayd markii aan yaraa balse wax ka badani muu jirin”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...