Somaliland: Xildhibaan Dheeg Oo Ku Baaqay In Somaliland Ay Xoogga Saarto Sidii Ay Wadamadda Jaar Ah Ugu Qancin Lahayd Aqoonsi

Date:

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin ‘Dheeg” oo kamida xildhibaanada golaha guurtida Somaliland kana tirsan gudida arimha dibadda ee golaha ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan qaabka ay Somaliland aqoonsi caalamiya ku heli krto waxaanu soo jeediyay in xooga la saaro wadamada jaarka ah gaar ahaana Itoobiya iyo Kenya oo uu sheegay in dantooda ku jirto in Somaliland ka madax banaanaato somaliya.

Xildhibaan maxamuud Maxamed Yaasi “Dheeg oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa waxa uu ugu horeyn yidhi.

“Somaliland markii hore waxay ahayd dal madax banaan iminkana waa dal madax banaan oo dhamaystiran oo xorriyadiisa kala soo noqday Somaliland kadib markii cadaadis, cabudhin dil iyo dhaawac badan loo gaystey dadkii reer Somaliland, hadana shuruud walba oo dawladnimo wanu buuxinay, waxa naga maqan oo qudha in beesha caalamku aanu ka helno aqoonsi,laakiin muhiimadu waa inaynu marka hore aqoonsi ka helno wadamada aynu jaarka nahay gaar ahaana Itoobiya iyo Kenya , maxaa yeelay labada dalba si toos ah ayay u garanayaan xadkeena iyo xuduudeena, waxay si toos ah u garanayaan inay Somaliland iyo somaliya laba dal kala ahaayeen iskuna biireen, waxay si toos ah u garanayaan in dantoodu ay ku jirto in Somaliland aqoonsadaan maxaa yeelay waax dan ah oo ugu jira somaliya iskugu tagto ma jirto, markaas waxaan leeyahay wadamadaas na aqoonsada oo na ictiraafa, Somaliland-na waxaan leeyahay ugu horeyn wadamadaas xooga saara si aynu danteena u gaadhno”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...