War Deg Deg Ah: Dacwada Dilkii Taliyihii Booliska Gobolka Saaxil Oo Lasoo Gaba-gabeeyey

Date:

ax sida wararku nagu soo gaadhayaan waxa lasoo gabagabeeyey dhagaysiga dacwada dilkiii taliyihii ciidamada booliska gobolka saaxil Gaashaanle Cabdirasaaq Maxamuud Casayr oo dabley hubaysani ku duleen duleedka magaalada berbera, taasi muddo ku dhaw laba bilood dhagaysigeedu ka socotay maxkamada ciidamada militariga Somaliland.

Waxaana sida naloo sheegay aad loo adkeeyey amaanka agagaarka maxkamada iyada oo lasoo dhoobay ciidamo tiro badan intaasi kadibna lasoo wada xaadiriyay eedaysanayaashii loo haystay inay ku lug lahaayeen dilkii taliye Casayr ee losoo xidh xidhay.

Garsoorka maxkamadda ciidanka malateriga Somaliland garyaqaan Yuusuf Faarax Sharmaake ayaa isagu gudoominayya dhagaysiga dacwada dilka taliye Casayr oo horaantii sanadkan lagu diley duleedka magaalada berbera.

Waxaana naloo sheegay in eedaysanayaan maxkamada la hor keenay ee dacwadu ku socotay ay aahaayeen 11 eedaysane oo xukumaddu usoo qabqabatay dilkii taliye Casayr, waxaana sida ilo ka agdhawa dhagaysiga dacwadduna noo sheegeen in eedaysanayaashaa uu ku jira gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka saaxil mudane Xaamuud.

Gabagabadiina waxa wali la sugayaa go’aanka ay kasoo saarto maxkamadu kiiskan dilkii taliyihii qaybta booliska gobolka saaxil.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...