Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlaayey beerta xoriyada ee magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa uu si dadban u sheegay in uu yahay musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID
Gudoomiyaha ayaa waxa uu xusay in dadweynaha rer Ceerigaabo ay laba jeer oo uu hore uu musharax u ahaa xisbiga UCID aanay cod siin balse uu ku rajo weyn yahay in ay sanadkan siiyaan waxaana uu yidhi
“Xisbiyada waxaan leeyahay joojiya qab qabta iyo fardo iigu soo baxa waa la isku jooga maalinta foodka ayaa la kala bixi doona waa la shubi jiray ee shalaad baratey waanigii hore u yidhi .
Imasa ayaad reer Ceerigaabooy ii soo baxdeen oo fardo aad igu soo dhaweyseen , ma cod baad i siisen , imaydaan siin reer Ceerigaabooy , Doorkan lakiin waan idinka fadhiyaa oo odeyga mar saddexaad ha radina oo in aad xishoon doontan baan filayaa ” ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Si kastaba ha ahatee hadalkan maanta ka qarxay ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli uu muran xoogan uu ka dhex taagan yahay xisbiga UCID gaara ahaa cidii musharax madaxweyne u noqon laheyd.