Somalia: Hoggaamiyaha Kooxad Al-Shabaab Abuu Cubeyda Oo Jeediyay Khudbadiisii Ugu Horreysay Iyo Waxa Uu Kaga Hadlay.

Date:

Hoggaamiyaha Xarakada Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda ayaa jeediyay khudbadii u horeysay, tan iyo markii uu qabtay xilkan, kadib duqeyntii uu Mareykanka ku dilay sanadkii 2014 Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Abuu Zubeyr).

Fariintan oo aheyd mid maqal ah ayuu uga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, isagoo soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, AMISOM, Turkiga, dowladaha deriska, arrimaha maamul goboleedyada iyo arrimo kale.

Ugu horeyn Amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye ayaa ka hadlay dagaalka ka socda Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto gumeysi cusub oo la doonayo in cadawga ay qabsadaan dalka oo dhan, isla markaana ay boobaan kheyraadka dalka.

Amiirka Al-Shabaab ayaa fariin u diray Shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad adag, waxaana si gaar ah ula hadlay Ganacsatada, Aqoonyahanada iyo Culimada, waxaana uu ku booriyay in indha fir fircoon ku eegaan gumeysiga cusub ee uu dalka ku jiro sida uu yiri.

Waxaa uu soo hadal qaaday fara gelin uu sheegay in Turkiga ku haayo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkiga uu gacanta ku dhigay ilihii dhaqaale ee wadanka sida garoonka iyo Dekeda Muqdisho, isla markaana uu Dekeda ka ceyriyey in ka badan 5,000 oo shaqaale ah, sidoo kalena uu cunaqabateyn xagga gacansiga ah uu ku soo rogay ganacsatada Soomaaliyeed.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga ay ku doonayso gacan ku dhigidda dhaqaalaha soomaaliya ayna faqri iyo ceyrnimo la damacsantahay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in dowladda Itoobiya, gaar ahaan Safiirkeeda iyo saraakiil kale ay si toos ah u siiyaan awaamiirta dowladda Soomaaliya, isla markaana gumeysi cusub wado, waxaa uu ka hadlay Maamulada federaalka ee dalka laga hirgelinayo.

Abuu Cubeyda ayaa sheegay in maamulada Federaalka ee dalka laga hirgelinayo ay yihiin kuwo ay gadaal ka riixayaan dowladaha deriska, isla markaana jiritaankooda uu ku xiran yahay joogitaanka Ciidamada shisheeye.

Waxaa uu ku baaqay in lala dagaalamay ciidamada shisheeye, iyo kuwa taageeraya, waxaana uu intaa ku daray in dalka uu ku jiro waxa uu ugu yeeray halgan barakeysan, isla markaana loo istaago sidii loo bad baadin lahaa diinta iyo dalka.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa ugu baaqay Maamulada Al-Shabaab ee gobolada inay u cadaalad falaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Guddoomiyeyaasha Al-Shabaab ee Gobolada uu waajib culus ka saaran yahay bad baadinta shacabka.

Waxaa uu soo hadal qaaday dhaq dhaqaaqyada ka socda Bariga Afrika, isagoo ugu baaqay muslimiinta ku nool bariga Afrika inay hubka qaataan, ayna la dagaalamayaan cadawga iyo gaalada sida uu hadalka u dhigay.

Amiirka Al-Shabaab ayaa sheegay in Culimo badan lagu dilay Mombasa, waxaana uu tilmaamay inay u aar-gudi doonaan, sidoo kale waxaa uu ugu hanjabay dowladda Kenya inay dagaalka ay kula jiraan sii xoojin doonaan.

Waa fariintii u horeysay oo maqal ah oo Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu soo diro, kadib labo sano oo ka soo wareegatay markii uu bedelay Hoggaamiyihii hore Axmed Cabdi Godane oo lagu dilay duqeyn Mareykanka uu fuliyay bishii September 2014.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...