Warar hada soo gaadhaya xafiisak warqabadka shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya inay macalimiinta wax ka dhigta dusgiyada waxbarasho ee Somaliland ay cabasho xoogan ka muujiyeen wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi dheere.
Waxaana macalimiintani ay ka cabanayaan deeq lacaga oo ay hay’add siin jirtey macalimiinta dusgiyada oo uu wasiirka waxbarashada Somaliland leexsaday isla markaan ku dhacday qasnada wasaarada waxbarashada taasi oo ay shegeen macalimiintu inaanay soo gadhin lacagtaasi.
Waxaana macalimiintan oo saaka dhamaantood ku sugan magaalada hargeysa ay sheegen in aanay haba yaraatee soo gaadhin lacagtii kabka ahayd ee ay siin jirtey hay’addu macalimiinta,waxaanay sheegeen in wasiirku sheegay in lacagtaasi ay soo mari donto wasaarada waxbarashda balse ilaa hada aanay jirin wax lacaga oo soo gadhay macalimiinta.
Sidoo kalena warar hoose oo ay helayso shabakada Ramaasnews isla markaana ka helayso ilo wareedyo ka agdhaw wasaarada ayaa sheegaya in hada macalimiinta dugsiyadu ay shir albaabadu u xidhan yihiin kula jiraan wasiirka waxbarashada Somaliland isla markaan ay ka wada hadlayaan arimaha ay macalimiintu ka cabanayso.
Ilaa hada ma jiraan wax natiijo ah oo kaso baxday shirkan u socday wasiirka iyo macalimiinta.