Somaliland: “Taraafikada Iyo Shaqaallaha Waddo Marista Waxaanu Siinay Moobillo Soo Saaraya Gaadhiga Aan Bixin Cashuurta” “

Date:

“Waxaynu dawoladnimada ugu eegnahay waa Cashuurta…Moobilladan Marka La Geliyo Gaadhiga Lambarkiisa [Taarikadiisa] Waxaa Uu Sheegayaa Qofka Ku Qoran Magaciisa Oo Saddexan” – Wasiirka Maaliyadda

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa shaaca ka qaadday inay toddobaadkan bilaabayaan Cashuurta Gaadiidka ama Baabuurta ee lix-biloodka dambe ee sannadkan lagu jiro ee 2016-ka, isla markaana ay diyaariyeen qaabkii loo ururin lahaa, iyadoo sheegtay inay Bishii Ramadaan awgeed dadka uga tudheen ururinta cashuurtaas oo xilliga ay bilaabmi lahayd ay ku soo beegantay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Wasiir Samsam waxa ay sheegtay inay Cashuurtu tahay waxa dalka iyo dadku ku dhisan yahay ee ay Somaliland dowladnimada ugu eeg-tahay, waxaanay sidaa ku sheegtay Shir Jaraa’id oo ay shalay  ku qabatay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Hargeysa.

Wasiir Samsam   ayaa si rasmi ah u shaacisay bilawga ololaha cashuur ururinta, sidoo kalena waxay ka warantay nidaam cashuureedkan cusub ee ay isticmaali doonaan inta ka hadhay sannadkan. Marmo Samsam Cabdi Aadan iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana waxay tidhi

“Maanta waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa cashuurta waddo marista gaadiidka oo sannadkan nidaam cusub ah, taas oo leh warbixin amaan oo dhamays tiran, isla markaana ay dadku qaadan doonaan.” Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, waxa kale oo ay intaasi ku dartay

“Ololahan cashuurtu waxa uu bilaabmayaa maanta wixii ka dambeeya, anaga oo intii hore dadka uga tudhnay Ramadaantii iyo Ciida barakaysan, sannadkan waxaa lagu soo kordhiyay Mobile-kaas oo aanu siin doono Taraafiga iyo shaqaalaha ku hawlan, Mobile-kaasi waxa uu sheegi doonaa gaadhiga lagaga tago meel dariiq ah ama aan lahayn cashuur, kaas oo marka lambarkiisa la galiyo soo saaraya qofka gaadhiga leh magaciisa oo saddexan.

” Marmo Samsam Cabdi Aadan waxa ay mahadnaq ballaadhan u jeedisay shacbi-weynaha reer Somaliland, iyada oo ku amaantay sida weyn ee ay cashuurta isaga bixiyaan, waxaanay tidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadweynaha reer Somaliland ee sida wanaagsan isaga bixiya cashuurta, waddankuna waxa uu ku dhisan yahay cashuurta ay bixiyaan, dalkeenu maaha waddan la aqoonsan yahay, ma helo lacago badan oo ay helaan wadamada la ictiraafsan yahay, waxa aynu mushuharka ku bixino ee aynu dawladnimada ugu eegnahay ee aynu ku dhisannahay waa cashuurtaas yar, haddana cashuurti dhib ayay leedahay oo dadku way ka cararaan cashuurta mid wax haysta iyo mid aan wax haysan ba.

“Shaqaalaha wasaaradda maaliyadu waxay ku tababaran yihiin in ay soo dhaweeyaan dadka, markaa waxaanu jecelnahay in ay dadku cashuurtooda goostaan, kala wareejintana ay si rasmi ah u sameeyaan, sababta oo ah gaadhi aan lahayn kala warejin oo qof kale ku qoran yahay, haddii uu dambi galo ama uu qof jiidho waxaa loo qabsanayaa qofkii hore ee ku qornaa, markaa waxaan leeyahay dadku yaanay dhayalsanin arrinkaas,” ayay tidhi Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan.

Agaasimaha waaxda cashuuraha ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Maxmed Axmed (Cawad) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay cashuur bixinta gaadiidka oo sannadkan dabayaaqadiisa ay ku jiraan shuruudo cusub oo dheeraad ah, kuwaasi oo ay la kulmi doonaan dadku, waxaanu yidhi

“Waxaan la socodsiinayaa gaadiidlaydda in ay u soo diyaar garoobaan si ay u qaataan cashuurta waddooyinka, laakiin shardiga ku xidhani waxa weeye in uu gaadhigu kala wareejisnaado iyo liisan sax ah oo cashuurtii wata, labadaa shardi iyaga oo fuliyay ha soo doontaan cashuurta waddo marista, dhamaan xafiisyadayada Hargeysa iyo kuwa goboladaba waa laga heli doonaan laga bilaabo maanta.” Gabagabadii shirkaasi ayaa

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay qalab casri ah oo dhinaca isgaadhsiinta ah ay ku wareejisay ciidamada nabadgelyada waddooyinka Somaliland, qalabkaasi oo lagula tacaali doono gaadiidka khilaafa sharuucda waddo marista.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...