Wararka an helayno ayaa sheegaya in masyuliyiinta xisbiyada qaranku ay isku diyaarinayaan u dhawaan u safran magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag.
Waxaana masuuliyiintani ay ujeedada socdaalkoodu tahay sidii ay uga qayb gali lahaayeen iba furka xaflada diiwaangaliinta codbixiyayaasha gobolka sanaag oo 15 bisha lagu guda jiro la filayo in lagu qabto magaalada ceerigaabo.
Ilo wareedyo ka agdhaw xisbiga Waddani aya sheegaya in masuuliyiinta xisbiga Waddan ay maalinta bari ah ka baxayaan magaalada hargeysa una baxayaan magaalada ceerigaabo, waxaan masuuliyiintan xisbiga waddani sida naloo sheegay hogaminaya gudoomiyaha xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Dhanka kale maalmaha ku xiga aya iyaga la filayaa inay masuuliyiinta labada xisbi qaran ee UCID Iyo KULMIYE ay iyagu masuuliyiintoodu u baxaan magaalada ceerigaabo si ay uga qayb galaan daah furka xaflada diiwaangalinta codbixiyayaasha gobolka sanaag oo bilaabmaysa.