Somaliland: Xisbiga WADDANI oo Gaadhsiiyey Deeq Raashin Ah, 200 oo Qoys oo Danyar Ah oo Ku Nool Degmada Oog ee Gobalka Sool

Date:

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo muddooyinkii dambe waday barnaamijka kheyriga ah ee bisha Ramadaan ee LA’ AFUR WADDANI oo deeqo raashin ah looggu qeybinaayey dadka danyarta ah ee ku dhaqan goballada iyo degmooyinka dalka, ayaa maanta deeq raashin ah gaadhsiiyey 200 oo qoys oo danyar ah, ku waasi oo ku nool degmada Oog ee gobalka Sool.

Deeqdan Raashinka ah oo iskugu jirtay Bariis, Daqiiq iyo Timir, ayaa markii la qeybinaayey waxa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin sare sare oo ka socday xisbiga WADDANI, odeyada iyo maamulka degmada Oog iyo weliba sida oo kale dadka danyarta ah ee loo qeybiyey raashinka.

Madaxa samafalka ee xisbiga WADDANI Marwo Layla Qulumbe oo ugu horreyn halkaas ka hadashay, ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in ay deeqdan raashinka ah ay soo gaadhsiiyaan dadkan danyarta ah, waxaana ay tilmaantay in barnaamijkan LA’ AFUR WADDANI ee uu yahay barnaamij kheyri ah oo xisbiga WADDANI uu doonaayo in kula wadaago dadka danyarta ah ee Sooman bisha Ramadaan, iyada oo carabka ku dhufatay in deeqdan raashinka ah ay ku soo deeqeen taageerayaasha Qurba-joogta ah ee xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah dadkii danyarta ahaa oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in xisbiga WADDANI ay uga mahad-celinayaan deeqdan raashinka ah, waxaana ay tilmaameen in deeqdan la soo gaadhsiiyey wakhti ay baahi badan u qabeen isla mar ahaantaana ay deegaanka degmada Oog ay ku nool yihiin dad tiro badan oo ay waxyeelo u soo geysteen abaarahii xoogganaa ee dhawaan haleelay guud ahaan dalka.

Odeyada iyo maamulka degmada oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in xisbiga WADDANI ay uga mahad-celinayaan sida habboon ee uu u soo xasuustay dadka danyarta ah ee ku dhaqan deegaankan, waxaana ay tibaaxeen in ay barbar istaagi doonaan isla mar ahantaana ay ku qanceen qaabka fiican ee xisbigaasi uu wax u wado.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...