Wefti balaadhan oo ka socda dawladda fedaraalka Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya Ambassador Taye Atsk-selassie ayaa shalay socdaal shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Weftigan oo shalay ka soo kicitimay magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa la sheegay in ujeedadda socdaalkaadu uu la xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa is-kaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee u dhexeeya labadda dal ee Itoobiya iyo Somaliland.
Sidoo kale waxa dullucda ujeedada wefftigan ka mid ah dar-dargelinta heshiiskii isticmaalka dekedda Berbera ee ay horaantii sannadkan kala saxeexdeen labada dal, kaasi oo muddooyinkanba u socday labada dawladood wada hadallo lagu sii xoojinayo heshiiskan oo jidaynaya in Itoobiya ay badeecadaheedda ganacsi 30% kala soo degto dekedda Berbera iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin dhismaha jidka isku xidha Wajaalle iyo Berbera (Berbera Corridor).
Weftigan uu horkacayo Taye Atske-Selassie, waxa ku weheliya Wasiiru dawlaha xanaanadda xoolaha iyo beeraha iyo saraakiil sar sare oo ka kala socday waaxda Kastamadda iyo arrimaha Badaha iyo maarkiibta ee Itoobiya.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya oo tafaasiil lagaga bixiyay booqashadda weftigan. Hase yeeshee sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo looga qaateen ah, waxaa la sheegay in xalay casuumad casho sharaf ah ay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa loogu sameeyay weftigan heerka sare ah ee ka socday Itoobiya, waxaana xafladaas casho sharafta ahayd ka qeyb galay
Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen-deyr) iyo safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Danjirre Aadan Muuse Jibriil.
Sidoo kale waxa la soo weriyay in kulankaasi cashadda ah uu goob joog ka ahaa Brig Gen. Berhe Tesfay, Wakiilka xafiiska qunsuliyada dawladda Itoobiya ku leedahay Somaliland.Lama sheegin in wax wada hadal ah ay cashadaasi ku yeesheen labadda dhinac, balse uu ahaa oo keliya mid ay masuuliyiinta Somaliland ku qaabilayeen weftiga Itoobiya ka socday.
Weftigaasi oo shalay gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaaladda Hargeysa, waxa soo dhaweeyay Wasiirrada ganacsiga, arrimaha dibada iyo safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda Addis Ababa.Waxa kale oo uu warku intaasi ku daray in weftigani uu ku soo birri doonno Sabtida agaasimaha arrimaha dhaqaalaha dawlada Itoobiya u qaabilsan urur goboleedka IGAD Ambassador Selman, kaasi oo lagu wado inuu soo gaadho Hargeysa maantaba.
Dhinaca kale weftigan ka socda dawladda Itoobiya, ayaa lagu wadaa inay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee ay hawl-wadaagta yihiin. Waxaana kulamadan lagu lafo-guri doonaa adkaynta wax wada qabsiga labada dal. Si kastaba ha ahaatee socdaalkan weftigan Itoobiya ka socdaa ay ku yimaadeen Hargaysa ayaa ku soo beegmaya kadib markii ay dhawaan Somaliland heshiis la gashay shirkadda Imaaraadka ee DP World, heshiiskaasi oo ku saabsanaa balaadhinta iyo casriyaynta dekadda Berbera, iyadoo ay dawladda Itoobiya-na soo dhawaysay heshiiskaasi dhex maray shirkadda DP World iyo Somaliland.