Somaliland: Dawladda Turkiga oo Kontiinarada Berbera imanaya Dawladda Federalka Somaliya u saartay midkiiba $400

Date:

Dawladda Turkiga ayaa shixnadaha Dalkeeda uga yimaada Somaliland ee ku jira Kontiinarada ee yimaada Dekedda Berbera midkiiba $400 (Afar boqol oo Doolar), u saartay Dawladda Somaliya.

Talaabadan Dawladda Turkigu ku dhaqan-galisay ganacsatada Somaliland ayaa lagu baraarugay dhawaan kadib markii ganacsatadii alaabaha ka keeni jirtay culays ka soo fuulay lacagtaas.

Lacagtan ayey Dawladda Turkigu go’aamisay shirkii ugu danbeeyey ee dalkeeda ka dhaca ee ay weftigii Somaliland ka baxeen, taasoo Dawladda Somaliya iyo Turkigu ku heshiiyeen in Somaliland alaabaha tagaya lacagtaas la dul-saaro.

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid iyo ganacsato kale ayaa ka mid ahaa weftigii Somaliland metaleyey ee ka dareeray shirkaas ay Dawladda Turkiga iyo Dawladda Federalka Somaliya Heshiiska ku gaadheen.

Ganacsatada Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland u bandhigay cabasho ka dhan ah talaabada Turkigu ku soo rogeen, hase yeeshee illaa hada wax talaabo ah oo ay ka qaaday Qunsulka u fadhiya Hargeysa ma jirto.

Lacagta Turkigu u qaadayo Somaliya ayaa qayb ka ah dibin-daabyada uu Somaliland ku hayo Turkigu, isagoo taageero Af iyo Mid adin ah ba u muujiyey Somaliya ayuu hadana wadahadalada Somaliland iyo Somaliya dhexhdexaadinayaa, taasoo haddii aanay Somaliland ka tashan sidii loo joojin lahaa ku dari doona Somaliya.

Dhinaca kale, Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa ayaa Fiisayaasha ku bixisa baasaaboor Somali-ga, halka ay muwaadiniinta Reer Somaliland-na khasab kaga dhigto inay qaataan baasaaboorka Somaliya, kaasoo sharci darro ay ka dhigtay Somaliland.

Ugu danbayn, Afarta boqol ee Doolar ayaa dhabar-jab ku noqon doona ganacsatada reer Somaliland ee u safarta Turkiga, taasoo tartan la gasha ganacsatada kale ee alaabaha ka soo iibsata Shiinaha iyo dalalka kale ee ay Turkiga Suuqyada ku Loolamaan.

Waaheen

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...