Somalia: Mareykanka Oo Mar Kale Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay U Safraan Soomaaliya.

Date:

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan Safarada ay ku tagayaan Soomaaliya, qataro dhinaca Amniga oo ka jira awgeed.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay jirto hanjabaadyo joogto ah oo ka imaanaya Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa lagu wargeliyay inay ogaadaan halista afduubyo ka imaan kara kooxaha Argagixisada, kaasoo ka dhaca qeybaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Mareykanka aanu Safaarad ku laheyn Soomaaliya, waxaana digniinta la soo saaray ay la mid tahay mid uu Mareykanka horay u soo saaay 1-dii October ee sanadkii 2015.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xaalada ammaanka Soomaaliya aanay wali deganeyn oo halis ah, sanadkii hore Al-Shabaab ayaa weeraray illaa sideed hotel caan ah oo lagu dilay muwaadin Mareykan ah.

Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan dowladda Soomaaliya, Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo bartilmaameedyo hey’adaha ajnabiga ah ee taageeraya dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...