Waxa Ka Hirgalay Nabad-gelyo, Dimuqraadiyad Iyo Maamul Wanaag Aanay Beesha Caalamku Kaalin Ku Lahayn”
Telefishanka Al-jazeera, ayaa shalay baahiyay warbixin xiiso leh oo ay ka diyaariyeen debaal dagii munaasibadii 25 guurrada ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland. waxaanay sheegeen inay Somaliland mudadii ay jirtay ay ku tallaabsatay dimuqraadiyad iyo dawlad wanaag aanay tahli karin dawlado la aqoonsan yahay.
Warbixintan oo ciwaan looga dhigay “Somaliland: Dawlad aan aqoonsi haysan muddo 25 Sannadood ah” waxa diyaariyay weriye James Jeffrey oo ka tirsan suxufiyiinta muuq baahiyaha caalamiga ah ee Al-Jazeera, waxaana lagu daabacay shalay mareegtooda Internet-ka.
James Jeffrey waxa uu si qoto-dheer uga waramay sida shacbiga Somaliland ay ugu ad-adag yihiin qaranimadooda aan ictiraafka ka haysan beesha caalamka. warbixintan oo uu soo turjumay Tifaftiraha Guud ee DAWAN Cumar Maxamed Faarax, waxay intii ugu muhiimsanayd u qornayd sidan:-
“18-kii May 1991-kii ayay Somaliland ku dhawaaqday inay madax-banaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya. Muddo 25 sannadood ah wali kamay helin beesha caalamka aqoonsi sharci ah.
“Xataa haddii aan aqoonsi nala siin, madax-banaanidayada iyo qaranimadayadu way sii jiraysaa oo xoriyadayadu halkeeda ayay taagnaanaysaa,”ayuu yidhi Yuusuf Cali, oo afar caruur ah oo uu dhalay keenay fagaarihii lagu xusayay 18-kii May iyadoo kulka qaraxdu adag yahay. Illaa 500.000 oo qof oo reer Somaliland ah ayaa lagu qiyaasay inay buuxiyaan jidka ku yaalla magaaladda Hargeysa ee xuska maalinta weyn lagu qabanayay, waxay ugu xafladeeyeen munaasibadan niyadda adag ee dadkooda. Hase yeeshee waxa Somaliland dhaawacaysa aqoonsi la’aanta rubuc qarniga qaadatay iyo dhaqaalahooda jilicsan.
“Gabi ahaan-ba waa cadaalad darro,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Sacad Cali Shirre oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay maalin ka hor munaasibadan kaasi oo halku dhig looga dhigay (qadiyada aqoonsiga jamhuuriyadda Somaliland).
Ciidanka milatariga ah ayaa jidka munaasibadda lagu qabanayay maray iyagoo gaardiyaya, waxaanay dad badan oo ka mid ah Bulshadda Somaliland ay jecel yihiin ciidankooda oo ay u arkaan inay yihiin tiirarka nabad-gelyadda gacanta ku haya.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Ma Heli karno kalsoonida iyo maalgashiga shisheeyaha , si aanu ugu dhisno dalka, shaqooyin-na u abuurno iyadoo aan nala aqoonsan.”
“Konton sannadood ayay ku qaadatay inuu aqoonsi helo dalka China oo quwadaha waaweyn ka mid ah xilligan, laga yaabaa taas oo kale inaanu annaguna mudanayno,”ayuu yidhi Col. Maxamed Cumar oo ka mid ah la hadlay weriyaha James Jeffrey.
Dagaalkii sokeeye ee dhacay dhammaadkii sagaashameeyadii qeybo badan oo Hargeysa ka mid ah waa la burburiyay shacbigii ku dhaqnaana waxay u kala qaxeen xeryo qaxoonti oo ku yaalla dalka la dariska ah ee Itoobiya. Somaliland iyadaa iskeed dib iskugu dhistay iyadoo ay ku jirtay faqooq qayrul xad ah sida uu ku sharaxay Matthew Bryden oo lafo gura siyaasadda isla markaana Somaliland si dhow ula socday tan iyo markii la sameeyay.
Somaliland waxa lagu tilmaamay inay tahay meelaha faro ku tiriska ah ee iskood wax u qabsaday dagaaladii ka dib waxqabsigooda oo sababay nabad-gelyo, dimuqraadiyad iyo maamul wanaag aanay caalamku wax door ah ku lahayn. Illaa 2003-dii Somaliland waxay qabteen doorashooyin is dabo-joog ah oo dimuqraadi ah oo horseeday in xukunka lagula kala wareego dimuqraadiyad taasi oo caddeynaysa inay gaadheen bisayl siyaasadeed, taasi oo ku adag ama ay ka cararaan dalal badan oo la aqoonsan yahay.
“Somaliland waxay ictiraaf raadinaysay 21 sannadood oo aanay dawladi ka jirin Soomaaliya oo aanay ku guulaysan, imika waxa Muqdisho ka jira dawlad la ictiraafsan yahay. markaa caqabadaha Somaliland ka hor imanayaa way weyn yihiin,” ayuu yidhi Bryden, oo isagoo hadalkiisa sii watay yidhi “Haddii ay sii wada joogayaan (Somaliland iyo Soomaaliya) iyo haddii ay kala noqonayaan-ba ma jiro qodob kale oo u banaani oo aan ahayn inay wada hadlaan.”
Warbixintan ayaa qeyb ka ahayd warar uu Telefishanka Al-Jaziira, ka diyaariyay munaasibadii 18-ka May ee Somaliland ugu damaashaaday 25 guurrada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanideeda.