Macalinka Iyo Ciyaariyahankii Ugu Fiicnaa Premier League Bisii April Oo La Magacaabay

Maalin kale hadana koob kale ayuu hekay Claudio, macalinka kooxda Leicester City ayaa todobaadkaan guul kale soo hooyay horyaalka ingiriiska kadib markii hore loo gudoonsiiyay abaalmarinta horyaalka iyo macalinka qoraayaasha ay soo xusheen isagoo markaana gudoomay abaalmarinta macalinka bisha ee horyaalka ingiriiska ee bishii na dhaaftay e April.

Sergio Kun Ageuro ayaa isna guul kasoo hooyay horyaalka ingiriiska isagoo noqday ciyaariyahankii ugu fiicnaa ee bishii April ee horyaalkaasi ingiriiska kadib markii uu todobo gool dhaliyay shanti kulan ee uu ciyaaray bishaas si uu kooxdiisa uga caawiyo iney ciriirsadaan booska ugu danbeeyo ee loogu soo baxo Champions league.

Claudio iyo kooxdiisa ayaa guulo ka gaaray Sunderland, Swansea iyo Southamoton halka uu barbaro la galay kooxda West Ham bishii hore oo ay ugaarsi ugu jireen hanashada horyaalkoodii ugu horeeyay ee taariikhdooda.

Halka Sergio Aguero uu ahaa weeraryahankii ugu fiicnaa horyaalka bishaas wuxuuna abaalmarintaan ku garaacay xidigaha kala ah Andy Carroll, James Milner, Alexis Sanchez, Andros Townsend iyo Lamine Kone.

Comments

comments