Chelsea Oo Ay Dhegta U Taagan Tahay Xili Juventus Iyo Real Madrid Ay Ka Fariisan Doonaan Arinta Weeraryahan Alvaro Morata

Date:

Mustaqbalka weeraryahanka kooxda Juventus ee Alvaro Morato ayaa go’aan laga gaari doonaa todobaadka soo aadan marka ay wada fariistaan kooxaha Real Madrid iyo Juventus, sidaasi waxaa xaqiijiyay madaxa kooxda Juventus ee Massimo Morrata.

Morata ayaa waxaa iska leh kooxda Juventus laakin heshiiskii ay kaga soo iibsatay kooxda Real Madrid ayaa waxaa ku jiray qorshe ay Los Blancos dib ugula wareegi karto xidigaan mudo labo xili ciyaared ah gudahadood ah waxayna ku ceshan karaan lacag dhan 30 milyan oo euros waxaana soo baxaya warar sheegaya in Madrid ay dooneyso iney soo iibsato xidigaan kadibna ka iibiso kooxda Chelsea ee dalka ingiriiska.

Madaxa kooxda Juventus ee Morrata lagu magacaabo ayaa yiri isagoo la hadlaya Marca “Waxaan la hadli doonaa kooxda Madrid todobaadka danbe si aan go’aan ugu gaarno arinta Morata, wali fursad ma aanan isku helin si aan arintaan u dhameyno, anigu waxaan dooneynaa inuu sii joogo halkaan laakin waan arki doonaa halka ay ku dhamaato”.

Laakin weeraryahanka kooxda Juve iyo xulka Spain ayaa u sheegay Real Madrid inuusan diyaar u aheyn inuu kooxda ku soo laabto hadiiba uu fariisanayo kursiga keydka kooxda Madrid taasoo sabab u aheyd ka tagitaankisiii kooxda eel abo xili ciyaareed ka hor.

Dhanka kale waxaa ninkaan la weydiyay iney la soo wareegi doonaan xidiga kooxda Juventus ee Isco Alarcon wuxuuna cadeeyay ineysan jirin wax wada hadal ah oo ay kala yeelan doonan arintaa kooxda Real madrid wuxuuna yiri “ Diyaar uma nihin inaan Real kala hadalno arintas Isco, isaga halkaan ma imaan doono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...