Somaliland: Cali Guray Oo Ka Dareen Caliyay Wareejinta Dekedda Ber-Bera Ee DP Wald Qalinka Lagu Duugay…

Date:

Gudoomiye Cali guray oo ka Hadlay wareejinta Berbera oo qalinka lagu duugay”..Sida loo wareejiyo hantida dadwaynuhu waa isku mid goor madow meel madow dilaal madow xaaraan madow”. Cali guray

gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid muj. Cali guray ayaa khiyaamo qaranka ku tilmaamay wareejinta dekedd Berbera oo wararka laga helaayo waftiga madaxweyne siilaanyo sheegaya inuu qalinka ku duugay wareejinta dekedda berbera oo laga kireeyey shirkad laga leeyahay dalka imaaraadka oo magaceeddana lagu sheegay DP

Hargeysa(xogreebnews)-gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid muj. Cali guray ayaa khiyaamo qaranka ku tilmaamay wareejinta dekedd Berbera oo wararka laga helaayo waftiga madaxweyne siilaanyo sheegaya inuu qalinka ku duugay wareejinta dekedda berbera oo laga kireeyey shirkad laga leeyahay dalka imaaraadka oo magaceeddana lagu sheegay DP Wald. Muj Cali oo qoraal uu soo saaray waxa uu ku Yidhi.
“.. Waxay u dhawdahay in saxeexani yahay kii mashaariicda horumarinteed eh kii wareejinta dekeddu mee yaase saxeexay ma Madaxwaynaha mise Maareeyaha Dekedda tollow. Sidaa  loo wareejiyo hantida dadwaynuhu waa isku mid goor madow meel madow dilaal madow xaaraan madow hunuhunuu iyo hadal madow. Mee dhulkii iyo guryihii dadwaynuhu? Bal soo arag Xaafadda Booli Qaran ee Indian linekii hore. Goor la kala qaatay iyo meel lagu kala qaatay yaa ogaa? Waleese amma la iskaga daba teg oo waxay noqon Halkii daabac lala maray hadaan raacdo dabagelin ama Allayleh docdeenii ha goblamo dadwaynuhu. Imika arinkani maaha hadba sida ay danta dadwaynuhu ku jirto ee waa hadba siday ugu badinayso Wiilka Sodoga loo yahay ee Imaaradka la dhigtay iyo cidda dhigatay. Waxay maraysaa:
HAL LA QALAY RAQDEEDAA
LAGU SOO QAMAAMOO
LABA WALIBA QAYBTEED
QORAXDAY KU DUBATEE
QALALAASIHIIBA
RUUXBA QURUB HALEELEE
QOSOL WUXU KA JOOGAA
QUBANAHA DAMBEEYEE
WELI QABA HAMUUNTEE
BUURAHA QOTADA DHEER
KA ARKAAYA QIIQEE
Garo oo waa daba goosigii ugu dambeeyay
NIN QATAABSADA
NIN QADHAAB HELA
NIN ISKABA QADA
HA LA QALABSADO
Yaa isu joojinaya”?.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...