Somaliland: Sheekh Shariif Iyo Cabdiraxmaan-Faroole Oo Si Rasmi Ah Loogu Casuumay Maalinta Dabaal-Degga Qaranimada Somaliland Ee 18 May

Date:

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay madaxweynayaashii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed iyo maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ku martiqaaday dabaal-degga maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ee sannadkan.

Ilo xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in labada siyaasi ee reer Somaliya si rasmi ah loo gaadhsiiyay martiqaadkan islamarkaana ay si rasmi ah u soo aqbaleen, cadeeyeena inay ka soo qayb galayaan maalinta la soo noqoshada xorriyadda Somaliland oo sannadkan 25 jirsatay.

Xubno ka tirsan guddiga ictiraaf raadinta Somaliland, ayaa la sheegay inay xukuumadda u soo bandhigeen aragtidan taas oo ay xukuumaduna ka aqbashay.

Waxa ay wararku intaas ku darayaan in Sheekh Shariif iyo Faroole, la siin doono wakhti ay jeediyeen khudbado inta lagu gudo jiro dabaal-degga maalinta qaranimada Somaliland.

Waa markii u horaysay ee siyaasiyiin ka tirsan dalka Somaliya lagu soo martiqaado mid ka mid ah munaasibadaha loogu dabaal-deggo maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May oo ah maalintii ay shacabka Somaliland xorriyadoodii luntay kala soo noqdeen dalka Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...