Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa waxaa uu saaka safar ugu anba baxay dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti .
Madaxweynaha ayaa safarkiisan ku wehelinaaya Marwada 1aad ee Qaranka, Marwo Aamina Sheekh Maxamed, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane, Cali Axmed Cali, Guddoomiyaha iyo murashaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka, Mudane, Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha, iyo Dalxiiska, Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka, Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan).
U Jeedka safarka uu madaxweynu ku tagaayo dalka jabuuti ayaa ah marti qaad uu ka helay madaxweynaha dalkaasi oo uu ka qeyb gali doono madaxweyna dalkaasi mar afraad loo doortey ee Ismaciil Cumar Geelle