Somaliland: Xuska Sannadkan Ee Marxuum Cigaal Oo Khamiista Lagu Qabanayo Huteelka Guuleed

Date:

Alle haw naxariiste waxa ay maanta ku beegantahay sannad guuradii 14aad ee ka soo wareegtay geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo geeriyooday 3 May 2002.

Xus ayaa sannad kasta loo sameeyaa maanta oo kale, waxaana xuskii sanadkan la qabanayaa khamiista toddobaadkan 5 May, waxaana lagu qabanayaa hoteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed, ayaa ku jira qaban qaabada xuska Marxuum Cigaal ee sannadkan, waxaana barqada khamiista hoolka Guuleed lagu qabanayaa munaasibad balaadhan oo loogu duceyn doono marxuumka, islamarkaana lagaga hadli doono taariikhdiisii iyo hoggaamintiisii uu umadda reer Somaliland kaga soo saaray xaaladii adkayd ee ay ku jireen markii uu talada qabtay.

Guddi qaban qaabo oo uu hormuud u yahay ganacsade Cali Cumar, ayaa ku jira diyaarinta madasha iyo weliba dadkii khudbadaha ka jeedin lahaa ee xidhiidhka dhow la lahaa Marxuum Cigaal, kuwaas oo ay ka mid noqon doonaan xubno ka tirsanaa golihiisii xukuumadda, madaxda dhaqanka iyo aqoonyahano reer Somaliland ah.

Geesta kale, qoyska Marxuum Cigaal, ayaa shalay xoolo nool u qaybiyay cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo xarunta agoomaha ee Hargeysa, kuwaas oo qayb ka ah xuska sannad kasta loo sameeyo Alle haw naxariiste Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...