Somalia: Faalaka Budhcad nimo ee Afkrika oo Warbixin laga diyaariyey

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’ada fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa looga hadlay burcadbadeeda,Ayadoo gacanka Cadmeed iyo biyaha badda ee Soomaaliya ay un ku badnaayeen burcad badeedu sanadihii lasoo dhaafay ayaa haatan la sheegayaa in Soomaaliya ay burcad badeeda iyo falalkoodu hoos u dheceen balse ay kusoo bateen xeebaha Afrikada Galbeed.

Hayad ukuur gasha arimaha burcad badeeda oo fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa sheegtay in falalka maraakiibta madax furashada loo qabsanayo Galbeedka Afrika ay aad ugu soo kordheen badaha Galbeedka Afrika.

Warbixin ay hayadaasi soo saadhay ayaa sheegeysa in gacanka Gini burcad badeed ay dadka kala dagayaan maraakiibta oo dadkaas madaxfurasho in laga siiyo ay u qafaashaan.

Waxaa iminka lagu soo waramayaa in burcadaasi ay ka aqdaantaan badaha caalamiga ah ee ka baxsan badaha galbeedka Afrika meel xataa aysan soo gaadhi Jirin,inta badan ciidamada ilaalada ee xeebaha dalalka Galbeedka Afrika.

Comments

comments