“Gaadhigaa waxa lahaa ciidanka dembi-baadhista (CID)-da ciddii ku doodaysay ama tidhi Madaxweyne-xigeenka lahaa, warkaasi maaha mid jira, Taliyaha Booliska Somaliland Aad baan u hambalyeynayaa General Fadal”
Ciidamada Booliiska Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa amaan iyo mahadnaq ugu soo jeediyey Ciidanka Booliiska Somaliland kaalintii ay ka qaateen dib u celinta gaadhi lagala soo baxsaday, isla markaana sheegay inuu iskaashi isu-celin ahi u dhexeeyo labada ciidan. Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Cabdirasaaq Yuusuf Af-guduud oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in ciidanka Booliiska Somaliland dib ugu soo celiyeen gacantooda gaadhi lagala baxsaday, waxaanu yidhi “Gaadhiga lala baxsaday waxa lahaa ciidanka Booliiska Puntland, waxaanu ka codsanay taliyaha booliiska Somaliland inuu noo soo celiyo, waanu noo soo celiyey. Aad baan u hambalyeynayaa General Fadal, oo naga dhexayso wax isu celin, sidaan annaguba hore dad lacago iyo wax kale la soo baxsaday ugu celinay.” Mr. Af-guduud ayaa sheegay inaanu jirin warar hore gaadhiga ula xidhiidhiyey inuu lahaa Madaxweyne-xigeenka Puntland, oo warbaahintu hore u faafisay. “Gaadhigaa waxa lahaa ciidanka dembi-baadhista (CID)-da ciddii ku doodaysay ama tidhi Madaxweyne-xigeenka lahaa, warkaasi maaha mid jira, gaadhi booliiska Puntland leeyahay ayuu ahaa, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaan ka codsanay, waanu noo soo celiyey.”
Hadalka taliyaha ciidanka booliiska Puntland ayaa ka horimanaya qoraal saxaafadeed hore Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ugu sheegtay in gaadhi uu lahaa Madaxweyne-xigeenka Puntland dib ugu celiyeen, oo dirawalkiisu kala soo baxsaday dib ugu celiyeen, una dhignaa sidan:-
“Saraakiil ka socota wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland ahna La Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Xasan Cigaal oo ay weheliyo Af-Hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamaal Cabdi Muxumed oo Khamiistii Todobaadkii Hore ka anbo baxay Magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland ayaa si rasmiya gacanta ugu geliyay saraakiisha maamulka Puntland gaadhi uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhawaan uu kala soo baxsaday dirawalkiisu lana soo galay Somaliland isla markaana ay gacanta ku dhigeen ciidamada qaranku. Iyadoo ay dawlada Somaliland ay ilaalinayso daris wanaaga iyo nabad galyada labada dhinac ee Somaliland iyo Dawlad goboleedka maamulka Puntland..”
Dhinaca kale, taliyaha booliiska Puntland ayaa qiray kaalinta Taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland sareeye Guuto Cabdillahi Fadal Iimaan ka qaatay soo qabashada gaadhiga lagala soo baxsaday, oo wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland kala masuugtay sheegisteeda.