Xogo hoose ayaa waxaa ay shabakada wararka ee Ilaysnews ay ka helaysaa sababo loo aaneynaayo in uu madaxweyne Siilanyo uu habeenkii xalay ahaa xilka uga qaadey Wasiirka Boosaha iyo Taliyaha ciidamada Badda Somaliland.
Xogahan ayaa waxaa ay sheegayan in ay tahay sabata kaliftey in uu xalay saq badhii madaxweyne siilanyo uu shaqada ka ceydhiyo labadaas masuul ay tahay in caydhintoodu ku qotonto shir madatooyada ka qabsoomay oo la xidhiidha Markab ceelalyo u ah maayaddo xambaarsan mawjadaha internetka badda hoosteeda mara ee Optic Viber-ka loo yaqaan.
Kaasi oo maalmihii u dembeeyey marsada magaallada Berbera duleedkeeda ka samaynayay sahamin la xidhiidha qorshe ay qaar ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta somaliland dalka ku keenayaan Internetka badda hoosteeda mara ee Optic Viberka, kaasi oo xawaare sare leh.
Internetkaas oo imaanshihiisa ay isu bahaysteen sida warku tibaaxayo laba kamid ah shirkadaha isgaadhsiinta dalka, kuwaas oo heshiis ogalaanshiyo ah la galay wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta oo iyadu xukuumadda u qaabilsan amuurahaas, isla markaana wasiir Maxamed Jaamac Abgaal uu qalinka ku duugay warqadda heshiiska imaanshiyaha internet-ka, sidaasna uu ku dhaqan galay, markabkuna u bilaabay sahaminta mashruucan.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in markii arrintani dibada u soo baxday loo yeedhay wasiirka isla markaana uu madaxweynuhu ku amray in uu kansal gareeyo heshiiskii uu saxeexay, hase yeeshee uu wasiir abgaal diiday, isaga oo sida warku tibaaxay ku adkaystay go’aanka hore, sababtaasina ay ku dhereran tahay xilka qaadistii amar diiddada xambaarsanayd ee xalay madaxtooyada ka soo baxday.
Dhinaca markii Markabka sahaminta waday soo gaadhay duleedka dekedda Berbera ay Madaxtooyadu amar ku bixisay in taliska Ilaallada Xeebuhu shaqada ka joojiyo markabkaas, isla markaana biyaha Somaliland ka saarto, hase yeeshee arrintaas ayaa taliyaha Ilaallada Baddu ka hor yimi, isaga oo sida warku sheegay ku tilmaamay markabka mid ogolaanshiyo xukuumadda ah ku soo galay biyaha somaliland isla markaana uu warqad ka haysto markabku wasaaradda boosaha.