Somalia: Tahriib lagu qabtey biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen

Date:

Markab laga lee yahay dalka Jarmalka oo ka mid ah maraakiibta waardiyaha ka haya biyaha Soomaaliya ayaa doontan istaajiyey kadibna waxay ku soo wargeliyeen Booliska Bosaso.

Taliyaha qaybta Gobolka Bari Col. Cabdixakiin Yusuf Xuseen ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in doonta ay saarnaayeen 92 qof oo tahriib ah kuna jeedey dalka Yemen. Doonta ayuu sheegey in galabta oo Jimce ah dib ay ugu soo noqoneyso dekadda Bosaso, waxaana soo khasbey Markabka dagaal ee dalka Jarmalka laga leeyahay. Lama sheegin dalalka ay u dhasheen kooxda la qabtey, tahriibta ugu badan ee xeebaha Badda Cas ayaa ah u dhashey dalalka Itoobiya, waxaana jira Soomaali yar oo dhawaanahan bilowdey kuwaas oo Yemen ka gala dalka Suudaan.

Doonta la qabtey ayaa la aaminsan yahay in ay markii hore ka baxdey xeebaha Waqooyiga Badda Cas ee Soomaaliya.

Waxaa jira mukhalsaiin weli ka ganacsada tahriibta kuwaas oo ku sugan magaalada Bosaso, waxay Itoobiyaanka ka kireeyaan guryaha, waxaana ay u diyaariyaan doomaha ay ku bixi lahaayeen. Meelaha ugu badan ee ay dadka ka dhoofiyaan ayaa xeebta Ceelaayo ee Galbeedka Boosaaso iyo Xeebaha dhanka Bari ka xiga dhanka Bosaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...