Nigeria: Dagaalkii ugu danbeeyey ee Boko Xaraam

Ciidamada Dowlada Nigeria ayaa bilaabay duulaankii ay doonayaan inay kusoo afjaraan kooxda Xagjirka ah ee Boko Xaraam.

Ciidamada ayaa weerar ku ah dhulka kaynta ah ee Sambisa halkaasi oo ay ku taal xeradii ugu danbeysay ee ku jirta gacanta kooxda Boko Xaraam.

 Diyaaradaha dagaalka ayaa goobaasi duqeeyey waxaana ku hareeraysan ciidamo badan.

Boko Xaraam ayaa sanadkii lasoo dhaafay gacanta ku dhigtay dhul badan oo ah Waqooyiga Nigeria, waxaana dib looga saaray goobahaasi kadib markii ay dalka Nigeria gudaha usoo galeen ciidamada dalka Jaad (Chad).

Comments

comments