Puntland oo ugu baaqday Caalamka inuu ka qeyb qaato la dagaalanka Daacish ee dhulka Buuraleyda ah – VIDEO

Date:

Dowlada Puntland oo sheegtay inay wado hawlgalo lagula dagaalamayo kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ayaa ugu baaqday Caalamka inuu ka qeyb qaato sidii looga hortagi lahaa in kooxahaasi ay awood ku yeeshaan buuraha saaran dhulka xeebta ah ee Geeska Afrika.

Telefishinka Skynews oo warbixin ka diyaariyey hawlgaladii ciidamada Puntland ka qabteen deegaanka Galgala iyo dagaaladii dhawaan lagu jabiyey kooxda Al Shabaab ee koonfurta gobalada Nugaal iyo Mudug, ayaa si weyn uga hadlay hogaamiyaha Kooxda Daacish ee Cabdulqaadir Muumin oo horey ugu soo noolaan jiray dalka UK.

Warbixintan ayaa waxaa sidoo kale ku jira wareysi ay la yeesheen Skynews qaar kamid ah caruurtii ay kooxda Al Shabaab Askareysay ee lagu qabtay dagaalada. Dhalintan oo hada dhaqan celis u socoto ayaa waxaa ka muuqday isbadel weyn muuqaalkoodii markii la soo qabtay.

Cabdulqaadir Muumin oo hada ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda ah ayaa dhawaan filim uu shaaciyey ku sheegaay inay sameeyeen xero lagu tababaro maleeshiyaadkooda ka tirsan ISIS ama Daacish, walow maleeshiyaadka uu soo bandhigay ay ahaayeen koox aad u yar oo gaaraya 15 qof, hadana Puntland ayaa sheegtay in loo baahan yahay in kooxahan laga hortago qorshaha ay doonayaan inta aysan xoogeysan.

Muumin ayaa hada la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay dhulka bariga fog ee nawaaxiga Buuraha Calmiskaad / Calmisgeed oo ay qeybo kamid ah degaan beesha uu kasoo jeedo, kadib markii uu ka baxay Kooxda Al Shabaab oo horey looga qabsaday fariisinkii ay ku lahayd deegaanka Galgala iyo Buuraha Calmadow ee buuraleyda Sanaag & Galbeedka gobalka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...