Somaliland: Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Boostaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Oo Xalay Madaxwayne Siilaanyo Xilka Ka Qaaday Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Sababay Xil Ka Qaadistiisa

Wasiirkiii hore ee wasaarada boostaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jamaac Abgaal oo uu madaxwayaha Somaliland digreeto uu xalay soo saaray xilkii kaga qaaaday isaga iyo taliyihii ciidamadda badda Somaliland ayaa ka hadlay sababaha ka danbaysay xil ka qadistiisa, waxaana uu Ex Wasiir Abgaal tilmaamay inuu madaxwaynuhu cadhaysnaa markii uu xil ka qadista samaynayay.

Dhanka kale Maxamed Jaamac Abgaal waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo xil ka qaadistaa laug sameeyey isaga oo dhanka kale ka dhawaajiyay inuu xilku ahay meeertu uu maalinba nin ku fadhiyo .

Wasiirkii hore ee boostaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Damcan madaxwayne siilanyo markii uu xilka ii dhiibay waan ku farxay waana ku qancay iminka uu xilka iga qaadayna waan ku hambalyaynyaa inkaste oo aad yara moodo in madaxwaynuhu markii uu qoraalkayga samaynaya malaa xoogaa cadho ah ayaa ka muuqday oo isaguu cadhaysan ayuu go’aanka gaadhay laakiin mar walba waan ku qanacsanay kursiga aan hada ku fadhiyana waxa leh cida uu madaxwaynuhu u magacaabo laakiin dalkaan wada leenahay waana ku qanacsanay waana soo dhawaynaya”Sidaas ayuu yidhi Ex Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal.

Dhanka kalena Ex Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal waxa uu ka jawaabay warar sheegaya in madaxwaynaha Somaliland iyo wasiirku ay isku maan dhaafeen amar diido uu sameeyey wasiirku oo ah saxeex uu wasiirku saxeexay mashruuc la yidha Fiber Optic oo dalka la kenayo waxana uu kaga jawaabay.

“Madaxwaynuhu xilka uu ii dhiibiyay iyo kuu iga qaadayba amar iyo raf ka culus labadabana waan aqbalay mana filayo in amar madaxwayne oo intaa ka wayn oo aan fulin lahaa uu jiri lahaa, sidii aan arki jiray marka xilka laga qaadayo raga masuuliyiinta qaranka ah anshaxa iyo quruxda iyo nidaamku siday ku jirtay waxa weeyaan waan soo wada shaqaynee nabad galiyo ereyga odhanaya amar diiduu sameeyey ayuunbaan is leeyahay malaa madaxwaynuhu halka wuu yara cadhooday”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Ex Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal.

Si kasteba ha haatee madaxwaynaha Somaliland ayaa isagu xalay digreeto uu soo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday wasiirkii wasaarada boostaha iyo isgaadhsiinta Somaliland iyo taliyihii ciidamada badda Somaliland, waxana warar so baxayaa aay sheegayaan in xilka qaadista labadan masuul ay salka ku haysay madaxwaynaha oo ka cadhooday amar diido ay sameeyeen ladan masuul.

 

Comments

comments