Goolhayaha xulka qaranka England iyo kooxda Manchester City ee Joe Hart ayaa markii shanaad xili ciyaareedkan ku guulaysan kara abaal marinta goolhayaha xili ciyaareedkan ugu fiican Premier Leaque-ga wuxuuna markii shanaad u sharaxan yahay in uu ku guulaysto abaal marinta Golden Gloves-ka.
Joe Hart ayaa haddaba afar jeer oo hore ku soo guulaystay abaal marintan laakiin waxa uu xili ciyaareedkan tartan xoogan kala kulmayaa goolhayaha kooxda Leicester City ee Kasper Schmeichel. Waxaa sidoo kale tartanka ku jira goolhayaha Manchester United ee David De Gea iyo goolhaye Petr Cech.
Joe Hart iyo Kasper Schmeichel ayaa ilaa hadda 15 kulan shabaqooda ka ilaaliyay in wax gool ah laga dhaliyo halka David De Gea iyo Petr Cech ay min 14 kulan shabaqooda ka ilaaliyeen in goolal laga dhaliyo, waxayna fursad u haystaan in ay ku guulaysan karaan Golden Gloves-ka.
Haddii maanta uu dhamaan lahaa xili ciyaareedka Premier Leaque-gu, Joe Hart ayaa goolhaya Leicester City kaga guulaysan lahaa heerka fursad badbaadinta. Haddii uu Hart shabiqiisa ilaashado kulamada saddexda ah ee Premier Leaque-ga ka hadhay ama uu ka bato goolhayayaasha la tartama waxa uu dhigi doonaa taariikh cusub isaga oo markii shanaad abaal marintan gudoomi doona.
Kadib markii uu Joe Hart saddex xili ciyaareed oo xidhiidh ah uu ku soo guulaystay abaal marinta Golden Gloves-ka ayay xili ciyaareedkii 2013/14 ay Petr Cech iyo Wojciech Szczensny ku wada guulaysteen abaal marintan laakiin hal sano kadib waxa uu Hart markii afraad ku guulaystay abaal marintan isaga oo noqday goolhayihii ugu horeeyay ee afar jeer hantiyay abaal marinta ee Premier Leaque-ga.
Tartanka Golden Glove-ka 2015/16
Magaca | Kooxda | Shabaqa Nadiifta ah iyo Kulamada | |
---|---|---|---|
K. Schmeichel | Leicester | 35 | |
Joe Hart | Man City | 32 | |
David de Gea | Man Utd | 30 | |
Petr Cech | Arsenal | 31 | |
Hugo Lloris | Spurs | 34 |