Wasiirka saqiirka ah ee qasrigu dalacsiiyey ayaa bilaabay kulamo uu miciin bidey oo uu la yeelanayo kaadiriinta iyo nusdambeedka xisbiga mucaaradka ah ee waddani kulamadaas oo labadii cisho ee udambeeyey qaar ka mid ah hotelada hargeysa ku dhex marayey wasiir ku xigeenka gaashaan dhiga oo dhawaan xilka wasiir nimo madaxweynuhu u magacaabay isagoona hore u ahaa xildhibaan golaha deegaanka magaalada ceerigaabo isla markaana ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee waddani xilkan cusub ee wasiirka loo magacaabay ayaa ladh ku kiciyey masuuliyiinta xisbiga iyagoona yeeshay kulamo ay kaga tashanayaan sidii ay isugu cuna duubi lahaayeen ansixintiisa maadaama oo uu ka leexday siyaasadii xisbiga, balse dhegtaaga wasiirka oo wadnaha farta ku hayey ilaa maalintii la ma gacaabay waxaana uu wer-wer xoogan ka qabay inuu ka sii mid ahaanyo golaha wasiirada ee xukuumada maadaama oo xildhibaanada golaha ee mucaaradka ah iyo dhitooyin dabin ah oo xisbigu ku tashadey inay mansabkiisa ku sadqeeeyaan,
guclo-orad uu ugu jiro sidii loo ansixin lahaa waxaana uu garabsadey salaadiin iyo madax dhaqameed ay isku ardaa yihiin si looga gar noqo khilaafkan usoo mudh baxay ka dib markii u xildhibaanimadii bulshadu codkaada ugu hiilisay ka doorbidey xilka mudada kooban ah ee cimriga xukuumada ka hadhay, kulamo laysugu gar-naqsanayo oo u dhaxeeya kaadiriinta iyo nusdameedka waddani ayaa lagu lafo guray mabda ah uu qadiyad ahaan aaminsan yahay wasiir maxamuudka ku xigeenka gaashaandhiga dood dheer oo dhaqanku xasiliyey waxaa lagu dhageystay labada dhinac ilo looga qaateena oo diiradda ku hayey dhaq-dhaqaaqa wasiirka iyo xulufada kale ayaa wargeyska SAHAN usheegay in saqiirka gaashaandhigu ku wala maray in uu taabacsan yahay siyaasada xisbiga waddani kuna abtirsado mabaadiida xisbiga dhanka kale waxa uu ku garnaqsadey in wakhtigii soo bixida xisbiga uu dedaal badan u galay imikana ay laabtiisa qoysay waddani jacaylku wasiir maxamuud ayaa carabka ku dhuftay in uu imikana umaqan yahay xisbiga ee aanuu ka maqnayn isla markaana uu ku sandulaysan yahay inuu hiil iyo hooba xisbiga la garab taagan yahay waxaana uu ugu bushaareeyey inay ku abshiraan inuu bixinayo
qaadhaanka xisbiga oo waliba uu ka badsan doono xubnaha kale ee xisbiga maadaama oo salaanka masraxa siyaasada ka soo fuulay albaabka mucaaradka ee waddani, intaa ka dib waxaa iyaguna hadalka qaatay kaadiriinta xisbiga oo aad u ilaalinaayey inay dabada uga soo baxaan go,aamo lagu dhabartaabtay oo ku taxa luqay in ay ka shaybaadhaan quluubta maxamuudkii ka falaagoobay aaminsananta mabda dhabaysan ee waddani waxaana ay odayaasha dhaqanka ee dhex-dhexaadinaayey usheegeen inay qaateen balse kulamo dambe laysugu yimaado si ay usii xaqiiqsadaan qorshaha dhabta ah ee uu qalbiga ku haysto, intaa ka dib
odey dhaqameedka ayaa hadalkaa kaga tiraabay ujeedka dhabta ah ee ay xukuumada ugu darsadeen maxamuudka ay falaagada u arkayeen kaadiriintu waxaanay ugu bushaareeyeen inay iyagu ka daamaanad yihiin inuuna xisbigiisa dhana udhaafin oo uu qaadhaanka la garsado iyaguna ay aanay isku cuna diibin ansixinyiisa kulamo dambena ay yeeshaan iyagoo labada dhanba ilaalinaya go,aamada laysla meel dhigay kulankoodan hore oo aanay xogahooda bada usoo saarin lana xaliyo go,aanka cabdiraxmaan cirro dhitada ugu dhigay in la dabro ansixinta wasiirnimo ee maxamuudkii aaninsanaa siyaasadooda, wasiirku xigeenka ayaa ilaa hada aan ku qancin go,aanka laysla qaatay oo werwer badan ka qaba in ay isku cuna duubaan mansabka ay xukuumadu ku soo jilaabatay waxaana ay ilo xogogaala oo dhaq-dhaqaaqiisa diirada ku hayaa tibaaxayaan in uu ku cataabo miishaanta uu waddani ku lisayo qorshihiisa walaaca iyo catowga uu ku muusanaabayo arbeedka wasiirka loo cumaamadey ayaa laga cabsi qabaa inay sahayato mansabkiisa iyo nid murugada xumad jabin looga helo.