Somaliland: “Khilaafka Ucid Muxuu Sharcigu Ka Qabaa? Yaa Qaldan Yaa Sax Ah”? Cali-Gurray

Date:

Sharciga Oo Keliya Ayaa Ka Jawaabi Kara. Ma Filayo Inay Wakhti Badan Qaadan Karto Inta Jawaabta Lagu Heli Karaa. Gudoomiyaha Waxa Looga Fadhiyaa Inu Wax Ka Yidhaa Eedaha Dhankiisa Loo Tirinayaa Inay Jiraan Iyo In Aanay Waxba Ka Jirin. Hadii Aanay Waxba Ka Jirin Isga Ayaa Leh Inuu Keeno, Ma Keeni Karo Eh, Cadaymo Lagu Qanci Karo. Inta Ka Horeysa Talaaba Kasta Oo La Qaado Oo Aan Waafaqsanayn Xeerka Ucid, Gaar Ahaan Dhinaca Gudoomiyaha Oo Isagu Is Wada Siiyay Taladii Ucid Oo Dhami Keliya Waxay Sii Murgin Kartaa Arinta Murugsan Ee Xisbiga Uu Isagu Gudoomiyaha Ka Yahay. Kolay Anigu Ma Jecli Ilaa Sharcigu Hadlayo In Aan La Wadaago Ama La Qasto Sharci Darrada Uu Qasanayo. Isagu Gudoomiye Xigeen Buu Magacwaday Gudoomiye Xigeen Aan Aniga Ahayn Oo Sharci Ahna Xisbiga Ucid Ma Laha. Ilaa Sharcigu Taa U Cadaynayo Gudoomiyaha Aniga Isku Qabsan Maayno Lakiin Sua’aashu Waxay Tahay Hadii Sharcigu Sida Aan Filayo Noqdo In Aanu Jirin Xil Uu Ii Magacaabay Uu Iga Qaaday Gudoomiye Xigeen Kale Oo Aan Caligurey Ahayn Oo Sharci Ahna Aanu Jirin Muxuu Yeeli Doonaa Tolow. Sua’aasha Kale Ee Laga Sugayo Inu Sharcigu Cadeeyo Waa Jamaal Musharaxa Rasmiga Ah Ee Xisbiga Ucid Ma Yahay Mise Waa Ku Meel Gaadh? Tan Lafteeda Hadii Lagaga Gar Helo Oy Cadaato In Musharaxa Rasmiga Ah Ee Ucid Uu Yahay Jamaal Cali Xuseen Maxaa La Gudboon Gudoomiyaha? Anigu Waxan Qabaa Inu Xilka Iska Casilo Waayo Waxa Ku Cadaanaysa In Aanu Xalka Qayb Ka Noqon Karin Ee Dhibaataduba Ay Isaga Laftiisa Tahay. Kolay Anigu Hadii Aan Qaladka Yeesho Oo Sharcigu Gudoomiyaha U Marag Furo Waan Iska Wada Casili Doonaa Hadii Alleh Yidhaa Dhamaan Xilalka Aanu U Hayo Ucid Waayo Waxay Noqonaysaa In Aan Ka Been Sheegay Gudoomiyaha Oo Talaabooyin Uu Xaq U Lahaa Ku Talaabsaday. Waayo Aniga Raaligelin Aan Ka Bixiyo Been Aan Ku Eedeeyay Gudoomiyaha Xisbiga Kuma Filaan Karto. Markaa Waa In Aanan Xil U Haynin Xisbiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...