Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xukumadda Somaliland gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha Somaliland ugu baaqay inay si dhakhsaha u soo afjarto arin dil ah oo mudooyinkii u danbeysayba muran xoogani ka taagnaa oo ka dhacday magaalada ceerigaabo isla markaan ay xukumaddu u xidh xidhay salaadiin iyo cuqaaal.
Waxaana arinkan uu ka dhashay kadib markii magaalada ceerigaabo dhawaan ay ka dhacday dil aad u fool xun isla markaan ay xukumaddu u xidh xidhay cuqaal iyo waxgarad.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu maanta khudbad ka jeediyay munaasibadii furitaanka bilowga diiwaan galinta uu wasaarada ku adkeeyey inay si dag dag ah arinkaa usoo dhameeyaan ka hor inta aanay diiwaangalintu gaadhin gobolka sanaag.
Gudoomiye Faysal oo arinkasi ka hadlaya aya waxa uu yidhi.
“Arintii ka dhacday ceerigaabo waa in xukumaddu si dag dag ah usoo afjartaa gaar ahaan wasaarada daakhiliga,Ceerigaabo waxaa ka dhacay dil fool xun wuu soo jiitamay cuqaal iyo waxgarad ayaa loo xidhay qaar baa jeelka ay ku xidhnaayeen ku dhintaay waxa weeye in arinkaa si dag dag ah losoo afjaraa intaan diiwaangalintu gaadhin gobolka sanaag taana xukumadda Ayaan ku adkaynayaa”Sidaas ayu yidhi Guudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Gudoomiey Faysal Ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad lagu daah furayay bilowga diiwangalinta codbixyayaasha gobolka maroodi-jex oo maalinta sabtida oo ku beegan 30 –ka bishan ka bilaabmi doonta gobolka maroodi-jeex.