Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xayiraad Kusoo Rogtay Garoonkaasi, Iyo Awaamiir Ay Kasoo Saartay Kiiskan Uu Dacweysanaha Ka Yahay Xildhibaanku.
Xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland ayaa arji ka dhan ah xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogox) oo dacwaysane ka ah dacwad ay wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiisku u gudbisay Maxakamadda Gobolka Hargeysa ku codsatay in xayiraad la saaro garoon ku yaalla Xaafadda Masallaha ee degmada Axmed Dhagax, kaasi oo xildhibaanka lagu eedeeyey in uu qarsoodi ku dhisayo garonkaasi.
Sida lagu sheegay Amar xayiraad ah oo shalay laga soo saaray maxakamadda gobolka Hargeysa oo uu soo saaray garsoore Xasan Cabdillaahi Cawaale oo ka tirsan Maxakamadda gobolka Hargeysa waxaa lagu sheegay in dhulka garoonkaasi ku yaallo la saaray xayiraad illaa amar dembe.
Xayiraadan oo lagu socodsiiyey Masuuliyiin uu ka mid yahay Taliyaha saldhig, ogaysiinna lagu siiyey Taliyaha booliska qaybta galbeedka hargeysa, Duqa caasimadda, guddoomiyaha waaxda Axmed Dhagax, labada dhinac ee dacwaddu ka taallo maxakamadda iyo warbaahinta waxaa lagu faahfaahiyey asbaabta ay maxakamaddu u cuskatay xayiraada ay saartay garoonkan. Waxaana xayiraadaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Wargeyska HUBAAL uu u dhignaa sidan:
Ujeeddo: Xayiraadda Garoon ku yaalla degmada Axmed Dhagax
Maxakamadda gobolka Hargeysa, markay aragtay:
- Gal-dacwadeedka fulinta ah ee ay summadiisu tahay MGH/DFL/61/2016, dhinacyadiisuna kala yihiin [OG- dacwooto: Wesaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska, oo uu wakiil u yahay xafiiska garyaqaanka guud. OG-dacwaysane: Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogox).
- Arjiga codsiga xayiraadda ee ku taariikhaysan 27/03/2016, una soo qorteen maxakamadda labada qareen ee ka tirsan xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka JSL. Codsigan oo ujeedadiisu tahay xayiraadda garoon ay leedahay wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska, nuxur ahaanna isaga oo faahfaahsan codsigu waa sidan: “Xafiiska garyaqaanka guud ee qaranku, waxaa uu halkan maxakamadda sharafta leh uu u soo gudbinayaa qoddobka 294, 295, HXM, waxaanu maxakamadda ka codsanaynaa in naloo xayiro garoonka ay leedahay wasaaradda ciyaaraha, dalxiiska iyo dhalinyarada oo ku yaalla beerta ilma Qoryo-lacag, ee xaafadda masallaha ee dagmada Axmed Dhagax, cabirkiisuna waa 111mitirX90mitir. Kaasi oo jihooyinkiisuna kala yihiin: Bari-Waddo, Galbeed: Waddo, Koonfur-Waddo, WAqooyi: Waddo. Iyadoo dacweysanuhu doonayo in uu si qarsoodi ah ku dhisto, garoonkan ay dacwadiisu socoto.
Sidaasi darteed waxaa aanu maxakamadda sharafta leh ka codsanaynaa in ay noo xayirto, garoonkaaasi inta ay dacwaddu socoto. Iyo in ay maxakamaddu ku amarto dacwaysanaha inuu dhagaxa iyo ciidda uu dhigay garoonka ka raro. Sidaas darteed Maxakamadda gobolka Hargeysa, markay aragtay:
Dacwadda ka dhaxaysa labada dhinac ee dacwooto: Wesaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska, oo uu wakiil u yahay xafiiska garyaqaanka guud. Iyo dacwaysane: Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogox), kuna saabsan muran lahaansho garoon, ay sifihiisu sare ku xiusan yihiin.
Haddaba iyadoo ay maxakamaddu cuskanaysa qoddobka sharci ee 293, 294, 295 ee XHC, waxa ay soo saartay xayiraaddan hoos ku qoran:
- Laga bilaabo 27/04/2016, Maxamakamada gobolka Hargeysi waxa ay xayiraysaa garoonka cabirkiisu yahay 111mitirX90Mitir, kuna yaalla beerta Ilma Qoryo Lacag, ee xaafadda masalladaha ee degmada Axmed Dhagax ee magaallada Hargeysa. Kaasi oo jihooyinkiisuna kala yihiin: Bari-Waddo, Galbeed: Waddo, Koonfur-Waddo, WAqooyi: Waddo.
- Garoonkaas lama iibin karo, lama rahmi karo, lama hibayn karo, lama dhisi karo, sifo kalena looma dhalan-rogi karo, lamana isticmaali karo illaa amar dambe uu ka soo baxayo maxakamadda.
- Sidaas darteed waxaa masuuliyiinta amarkani sida tooska ah ugu socdo in ay dhaqan geliyaan amarkan.
- Amarkani waxaa uu soo baxay maanta [shalay arbacadii] oo taariikhdu tahay 27/04/2016.
Allaa Mahad Leh
Xasan Cabdillaahi cawaalle
Garsooraha Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex
Mr. Dayib Axmed Xasan
Kaalliyaha Maxakamadda Gobolka Maroodi Jeex